4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Siyaasiyiin iyo Wax-garad ku Kulmay Magaalada Beledweyne oo Taageeray Qorshaha Doorashada Maamulka Gobollka (SAWIRRO)


Jimco, November 15, 2013 (HOL) — Siyaasiyiinta, odayaasha, waxgaradka, haween iyo aqoonyahanno maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiirana ayaa kaga hadlay doorashada maamulka gobolka Hiiraan, duufaantii ku dhuftay deegaanno ka tirsan  Puntland iyo dagaallada gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaar ahaan kulanka ayaa diirada lagu saaray qorshaha wasaarrada arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashada maamulka gobollka Hiiraan, waxaana xusid mudan in guud ahaan dhinacyadii ka qeyb-gallay kulanka si buuxda isugu raaceen qabashada doorashada oo lagu saleynayo golle deegaan oo guud ahaan laga soo xuli doono shanta degmo ee uu gobolku ka kooban yahay.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya todobaadyadii ugu danbeeyayna ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ka qeyb-gallay kulanka ayaa ku booriyay odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahannada in ay gacan buuxda ka geystaan qabashada doorashada maamulka gobolka Hiiraan oo sida uu hadalka u dhigay micno badan u sameyn doonto guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka.

“Doorashada nidaam iyo qorshe loo dajiyay ayeey ku soconeysaa, dabcan dowladda federaalka kaalinteeda ayeey leedahay oo waad og-tihiin xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ayaan in mudo ah halka ku sugan, sidaa daraadeed waa in aad qaadataan dhinaciina doorka aad doorashada ku leedihii, waa in aad ku dhaqsataan howlaha leydinka baahan yahay oo soo xushaan golle deegaan oo micno badan u sameyn bulshada, maxaa yeellay xubnaha gollaha deegaannka waa kuwa marka danbe soo dooran doona maamulka gobolka, sidaa daraadeed dhinacaas waa in aad xoogga saartaan oo aad xulashaan xubno  lagu kalsoonaan karo laguna aamini karo howshaa baaxad weyn,’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beylle.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadllay C/naasir Xaaji Shirwac oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in wax lagu farxo tahay markii ugu horeysay in tallada dib loogu celiyo bulshada, iyagana go’aan ka gaaraan dhismaha maamulkooda cidda hogaamin doonta.

Nabaddoon Shuuriye Xusseen Xaayoow oo ka mid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay beesha si buuxda u soo dhaweyneyo  qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan in la sameeyo maamul ku dhisma hab doorasho, sida ugu dhaqsiyaha badanna u guda-galli doonaan kaalinta uga aadan dhinacooda qorshaha socda, gaar ahaan soo xulista ergada iyo dhismaha gollaha deegaannka.

Sidoo kale, nabadoon Max’ed Xassan Kulmiye ayaa sheegay in wax badan la soo maray, hasse ahaatee xiligan loo baahan yahay in laga anba-qaado sida uu hadalka u dhigay howlaha halka ay marayaan, isaga oo intaa ku darray in ay ka siman yihiin bogaadinta iyo waliba taageerada ay u hayan in gobolka Hiiraan markii ugu horeysay uu yeesho maamul bulshadu soo dooratay.

Ugu danbeytii kulanka oo ahaa mid wax badan laga wada hadllay ayaa laga soo saaray Sadex qodob oo lagu soo kooban nuxurka shirka:

In si buuxda Beesha u taageersan tahay qorshaha dowladda ee ah dhismaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan iyadoo lagu saleynayo hab golle deegaan.

In dowladda federaalka dhinaceeda soo dhameystirto guud ahaan wixii Imkaaniyaad ah ee looga baahnaa in shirka lagu socodsiiyo si howsha socta horay loogu anba-qado.

Wax-garadka, odayaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahannka iyo guud ahaan qeybaha bulshada oo tacsi diirraanyo leh u dirrtay maamul gobolleedka Puntland, kadib duufaantii dhawaan ku dhufatay deegaanno ka tirsan maamulka oo ay tiro dad ah ku dhinteen, iyaga oo Alle uga baryay in uu Janadii ka waraabiyo dadkii dhintay, kuwii ku xoolo beellayna badal kheyr qaba siiyo.

Iyo ugu danbeytii baaq nabadeed loo jeediyay beellaha walaalaha ee ku dagaallamaya dulleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe oo loogu baaqay in ay xabada joojiyaan, wax kasta oo khilaaf ahna wada hadal  ku dhameystaan, haddii looga baahdana u dirrayaan gobolka Shabeellaha dhexe odayaal qeyb ka noqda dadaallada nabadeed.

Kulanka ayaa ku soo beegmay xili dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud uu sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo bogaadiyay guud ahaan dhinacyada howshan ku lugta leh oo ay ugu horeeyaan xubnaha ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ee ku sugan magaalada Beledweyne.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya