Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah oo ka dooday hindise-sharciyeedka qabyada ah ee saxaafada Soomaaliya (SAWIRRO)
Jimco, November 15, 2013(HOL) - Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah ayaa ka dooday hindise-sharciyeedka
warbaahinta ee ay xukuumada Soomaaliya doonayso inay horgayso baarlamaanka
kaasoo ay dajisay wasaarada warfaafintu.
Sharciga cusub ee warbaahinta Soomaaliya la doonayo in lagu
dhaqo ayaa ah mid qodabada ku jiraa ay buuq badan dhaliyeen iyadoo qaar kamid
ah wariyayaasha iyo dadka u dooda xorriyatul qawlku ay dhaliileen qodobada
sharcigaas qaarkood.
Maxamed Abshir Walde oo ah aqoonyahan khibrad u leh arrimaha
warbaahinta oo kulankaasi furay ayaa kasoo qaybgalayaasha ku boorriyay inay
dhuuxaan qodobada ka hor inta aan sharcigaas la horgaynin baarlamaanka.
Burhaan Axmed Daahir oo isna kamid ahaa khubaradii dhanka
warbaahinta ee kulankaasi joogtay ayaa si adag u dhaliilay qodobka 12-naad ee hindise-sharciyeedka
warbaahinta kaasoo ka hadlaya anshaxa
saxaafada.
Burhaan ayaa sheegay in gudiyada warbaahinta ee wariyayaashu
ay leeyihiin looga dambeeyo dajinta shuruucda dhanka anshaxa iyadoo dawladana
laga doonayo inay dajiso sharciyada guud ee warbaahinta.
Halkaan ka daawo sawiro kale
C/salaam Axmed Caato oo ah madaxa hay’ada DXD ee soo
qabanqaabisay barnaamijkan looga doodayay hindise-sharciyeedka qabyada ah ee la
doonayo in la horgeeyo baarlamaanka ayaa codsaday in la adkeeyo sharciyada
xuquuqda (Copy right) isagoo sheegay in Soomaalidu aysan inta badan tixgalin shaqada
dadka dhibka u soo mara inay wax alifaan.
“Anigu filimada ayaan sameeyaa, waxaanan arkaa iyadoo
taleefishino aan I waydiisan fasax, laga daawanayo filimadayda, sharciyada
xuquuqda (Copy right) waa in la adkeeyaa” ayuu yiri C/salaam.
Intii uu socday kulankii looga doodayay sharciyada
warbaahinta ayaa wariyaal badan oo goobtaasi joogay iyo khubaradii warbaahinta
ay ka doodeen qaababka ugu wanaagsan ee loo dhigi karo qodobada qaarkood iyadoo
inta badan kasoo qaybgalayaashu ay codsadeen in la faahfaahiyo qodob ku
saabsanaa ku xadgudubka ammaanka qaranka kaasoo ay sheegeen inuu khatar ku
yahay xorriyada warbaahinta Soomaaliya loona adeegsan karo cid walba oo tabisa
war aysan dawladu ku faraxsanayn.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya