4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
FAROOLE: "Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay gurmadkii ugu horreeyay oo Dawo ah u soo dirayaan Puntland" (SAWIRRO)


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sheegay inay gurmadkii ugu horreeyey ay u soo dirayaan Puntland sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo warbaahinta la hadlay, isagoo intaa ku daray in labadan dowladood ay soo dirayaan gurmad u badan dawooyin.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray in gurmadkaas si dhaqso ah loo gaarsiin doono dadkii ay dabeylaha xooggan ku dhufteen oo weli goobo ka mid ah deegaannadii ay duufaantu ku dhufatay ku sugan.

Sidoo kale, Faroole ayaa hoosta ka xariiqay in xiligaan garoonka magaalada Garoowe laga cabsi qabo in roobabku ay wax gaarsiiyeen, isagoo xusay inay diyaarado dawooyinkan sida ay soo cago-dhigan doonaan Garoowe.

"Waxaan filaynaa in xilliga ugu dhaw ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Garoowe diyaarado wadda dawooyin, kuwaasoo ka imaan doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiyo oo ah laba dal oo daris ah, waxayna noqonayaan dalalkii ugu horreeyey oo gurmada u soo dira shacabka ku dhibaateysan goobihii ay roobabka ba’ani ka da’een, dadkuna ma haysaan wax ku filan, waxaana ugu jirnaa dadaal xooggan sidii aan dhaqso gurmad ula gaari lahayn,” ayuu yiri Faroole oo warbaahinat la hadlay.

Faroole wuxuu sheegay inay muhiim tahay in gargaar dhaqso ah ay helaan dadweynihii ay dhibaatadu ku dhacday, waayo waxaa laga baqdin qabaa buu yiri inay deegaannadaas ka dillaacaan xanuunno; maadamaa dadkaas qaarkood ay muddo afar maalmood ah ku dhex-jireen biyo.

Madaxweynaha Puntland oo uu waheliyo guddoomiyihii hore ee baarlamanka Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi iyo xubno kale oo maamulkiisa ka tirsan ayaa booqday goobo ay waxyeelleeyeen biyaha roobka, waxaana ka mid ah: buudadii isku xiri jirtay Boosaaso iyo Garoowe, iyadoo la furay jid si KMG ah loo isticmaalayo si loo gaaro deegaannada go’doonsan ee aan la gaari karin.

Hadalka Faroole ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli guud ahaan deegaannada Puntland ay ka socdaan gurmadyo loo sameynayo dadkii ay dhibaatadu ku habsatay oo la sheegayo inaysan weli gargaar ku filan helin.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ee maamulka Puntland uu soo saaro ayaa waxay soo sheegayaan in laga baqdi qabo in dadkii ku geeriyooday duufaanta ay sare u dhaafaan in ka badan 360-qof.





Hiiraan Online, Gaalkacyo