4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Xaaji Maxamed Yaasiin oo lacago ugu Deeqay dadkii ay Waxyeelladu kasoo Gaartay Duufaannadii ku dhuftay Puntland
maxamedyasinmusharax
Khamiis, November 14, 2013(HOL) - Xaaji Maxamed Yaasiin oo kamid ah musharrixiinta u taagan doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shaaciyay in lacag dhan $10,000 uu ugu gu deeqayo dadkii ku waxyeelloobay roobabkii duufaanta watay ee ka dhacay deegaanada Puntland.

Musharraxa ayaa sheegay in lacagtii la siin lahaa xildhibaanada loo baahanyahay in la siiyo dadka ay musiibadu ku habsatay oo uu sheegay in ay muhiim tahay in iyaga laga ducaysto oo rabitaankooda la raadiyo xilligan ay ku suganyihiin dhibaatada lixaadka leh.

"Lacagta xildhibaanada looga farxinayo shacabka dhibaataysan ha looga farxiyo, kuwaas ninkii maanta taageera oo ducadooda hela ayaa ilaahey ka farxinayaa" ayuu yiri isagoo shir jaraa'id goor dhawayd ku qabtay magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay inuu $20,000 lacagta ka dhigi doono hadii la helo cid ku deeqda inta haatan u bixiyay oo kale isagoo ugu baaqay musharrixiinta inay ku tartamaan deeqda dadka tabaalaysan.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriiray qaar kamid ah wadamada Khaliijka oo ka codsaday inay deeq gaarsiiyaan dadka ku waxyeelloobay duufaantii oo dhimashadu haatan ay marayso 300 oo qof.

Duufaanta ka dhacday Puntland oo dawlada Soomaaliya ay ku tilmaantay musiibo qaran ayaa gaysatay khasaare lixaadleh oo isugu jira dhimasho iyo burbur xoogleh.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya