4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Somalia oo lagu wado inay noqoto dalkii ugu Horreeyay oo Geeska Afrika ku yaalla oo laga Hirgeliyo Internet-ka Fibre Optic-ga


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Shirkad lagu magacaabo Liquid oo ka howlgasha 11-dal oo Afrikaan ah ayaa qorsheynaysa inay Somalia markii ugu horreysay ka hir-geliso internet-ka xawaariha dheer ee Fibre Optic-ga loo yaqaan.

Dalka Soomaaliya ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay oo adeeggan laga hir-geliyo, kaddib muddo badan oo colaado ah, waxaana shirkaddan ay la gashay heshiis lagu hirgelinayo Internet-kaan shirkadda Hormuud oo ah mid bixisa adeegyada taleefoonnada.

Adeeggan Internet ee loo yaaqaan Fibre Optic ayaa ah adeeg aad uga awood badan internet-ka laga isticmaalo Somalia oo ah midka lagu bixiyo Sattelite-ka, iyadoo tani ay hoos u dhigayso internet xumada ka jirta Soomaaliya.

“Haddii ay jirto meel aan lahayn Internet wanaagsan waa meelaha aan aad u daneynayno nana soo jiidanaya,” ayuu yiri mas’uulkan shirkadda Liquid u jooga dalka Mauritania, Nic Rudnick oo u warramayay Reuters.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in Internet-kan looga soo jiido bad-weynta Hindiya oo ay yaallaan saddex ka mid ah xargaha Internet-ka laga isticmaalo, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed ku heli doonaan qiimo aad uga jaban midka ay hadda ku bixiyaan Internet-ka oo lagu sheego inuu aad u sarreeyo.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka hirgeliso adeeggan, waxaana mas’uulka u hadlay uu sheegay inay xargo u yaallaan badweynta Hindiya.

“Waxay shirkaddeennu Internet-kan siisaa 16-dal oo caalamka ku yaalla oo ay ku jiraan 11-dal oo Afrkaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Zimbabwe, DR Congo iyo Rwanda,” ayuu Rudnick hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa wuxuu sheegay in shirkaddoodu ay ku bixin doonto 250-Milyan oo doollarka Mareykanka sidii ay Soomaaliya u gaarsiin lahayd Internet-kan.

Hoshan looga hirgelinayo Soomaaliya Internet-kan casriga ah ayaa waxay qaadan doontaa muddo laba sano ah, isagoo xusay Rudnick inay dalal kale oo Afrikaan ah ka hirgelin doonaan adeeggan oo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya