4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Cawad Cashara oo ka Hadlay Khilaafka soo Dhex-galay Madaxda Dowladda kuna baaqay in lagu Dhaqmo Dastuurka Dalka


Khamiis, November 14, 2013(HOL) :- Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowlada federaalka  Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo weliba raysalwasaaraha xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo u muuqda mid si weyn u usoo if baxayey maalmihii ugu dambeeyey islamarkaana si weyn looga dareemayo xarunta madaxtooyada ee villa Somalia iyo guud ahaan magaalada muqdisho.

Cawed Cashara oo iminka ku sugan dalka Canada ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka ka dhex aloosan madaxda ugu sareeysa ee dalka isagoo carabka ku adkeeyay in aysan haboonayn in khilaafkku kusoo beegmo xilligan oo ay Soomaaliya kasoo baxday dhibaato heysatay mudo ka badan 20 sano.

Masuulkan ayaa ku baaqay in dastuurka dib loo eego , isagoo intaa raaciyay in dhinaca shaqada hore labada masuul ay hore wax uga qaldanayaan, wuxuuna ku eedeeyay madaxweeynaha in uu fulin jiray howlihii uu lahaa Ra’isul wasaaraha dalka, waa siduu hadalka u dhigaye.

Mr. Cashara ayaa ugu baaqay masuuliyiinta kale ee dowlada iyo waxgaradka kale inay arinta dhex-dhexadiyaan, wuxuu sidoo kale ka codsaday madaxweynaha dalka  inuu dastuurka ilaaliyo islamarkaana inta badan khilaafyadii hore u dhici jiray ee dowladihii KMG ahaa ee raysalwasaarayaashii iyo madaxweynayashii uu  inta badan qaladka ka iman jiray dhanka madaxweeynayaasha oo uu xusay in ay isticmaali jireen awoodo uusan sharciga siin.

Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo baxay Siyaasi Cawed Cashara ayaa kusoo beegmaya xili uu sii socdo khilaafkii u dhexeyey raysalwasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheikh walow la sheegay inay jiraan waan waan laga dhex wado labada masuul.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya