4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Mas'uuliyiinta ugu sarreeya Maamulka KMG Jubba oo ka tacsiyeeyay dadkii ay Waxyeelladu kasoo gaartay Duufaantii Puntland

Khamiis, November 14, 2013(HOL) :- Masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka KMG ee Jubba ayaa ka tacsiyeeyay musiibooyinkii ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland, iyagoona sidoo kale sheegay in ay gacan ka geysan doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku waxyeeloobay duufanahaasi.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba oo ay kamid yihiin Hogaamiye kuxigeenka ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha maamulka Jubba Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Macalim Max'ed oo isaguna kamid ah madaxda sare ee maamulka Jubba, saraakiil ciidan iyo waxgarad kale ayay siwadajir ah uga tacsiyeeyeen roobabkii duufanaha watay ee ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland, kuwaasoo ay ku nafwaayeen boqollaal qof.

Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbe Jen. Fartaag oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatooyinka ka dhacay Puntland, wuxuuna xusay in ay la qeybsanayaan murugada islamarkaana ay ka geysan doonaan gacan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen duufaanahaasi.

Masuulkan ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul ay sxbo dhow yihiin islamarkaana ay gacan weyn ka siisay sidii uu u istaagi lahaa maamulka Jubba, wuxuuna xusay in mar walba ay garab taaganyihiin shacabka Puntland.

Macalim Max'ed Ibraahim oo isna goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeeloobay musiibooyinkaasi, isagoona Eebbe uga rajeeyay in uu naxariistiisa siiyo dhamaan dadkii ku waxyeeloobay islamarkaana Alle ka dulqaado dhibaatooyinka ku habsaday deegaano ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay qaar katirsan saraakiisha ciidamada maamulka Jubba, odoyaal iyo Haween, waxayna dhamaantoodba muujiyeen sida ay uga xunyihiin duufaanaha ku dhuftay deegaano ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Roobab duufaano wata oo maalmihii ugu danbeeyay ka da'ay deegaano ka tirsan Puntland ayaa galaaftay nolosha in ka badan 300 oo qof, iyadoona sidoo kale la la'yahay boqollaal qof oo kale.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliy