4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Bay oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Buurhabaka ee Gobolka Bay

Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Ciidamada xoogga dalka qaybta 60-aad ee ku sugan gobolka Bay ayaa maanta lagu wareejiyay maamulka guud ee degmada Buurhakabo, kaddib markii ay ka baxeen ciidamadii milateriga ee ka yimid Muqdisho, kuwaasoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay halkaas gacanta ku hayay.

Degmada Buurhakaba ayaa ayaa waxaa xilliga wareejintu ay dhacaysay ku sugnaa saraakiil ka socda milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmadaas Al-shabaab.

Ciidamadii shalay banneeyay degmada Buurhakaba ayaa waxay markoodii hore ka yimaadeen Muqdisho, waxayna ka tirsan yihiin guutada lixaad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobollada Shabeellada hoose iyo Banaadir. Iyadoo ciidamadan dhowr jeer lagu eedeeyay inay gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Baydhabo ay isbaarooyin u dhigan jireen.

Askarta la wareegay gacan ku haynta Buurhakaba ayaa waxaa taliye u ah, Jen. Ibraahim Ibraahin Yaroow oo ah taliyaha guud ee ciidamada gobolka Bay ku sugan, isagoo khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidamadu aysan isbaaro u dhigan karin shacabka. Askarigii lagu helo falkaasna ciidamada oo dhan laga saari doono, lana horgeyn doono sharciga.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafey waxay ahaayeen kuwa dhac u geysta shacabka ku safra waddooyinka isku xira gobollada Bay iyo Shabeelada Hoose, iyadoo cabashooyinka shacabka aan badanaa waxba lag qaban jirin.

Hiiraan Online, Baydhabo