4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Golihii Wasiirrada Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan Xasaasi ah (SAWIRRO)


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Waxaa xalay kulan xasaasi ah isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golihii wasiirrada xukuumaddii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha naadiga Badbaado, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo boostada waxaana kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda haatan uu dalku ku sugan yahay.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday sida uu yahay xaalka dalka, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo madaxda dalka ugu sarreya, gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Madasha uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mida xubnaha naadigan, kuwaasoo sheegay inay aad uga xun yihiin muranka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda dalka.

“Waxaan ka xunnahay khilaafka xilligan taagan iyadoo dowladdu jirtay hal sano oo keliya, khilaafkan oo sababi kara in dib loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii KMG ahaa. Annagoo ka sugaynay dowladda federaalka inay horay u sii waddo hannaanka dowladnimo,” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Jaahwayn oo shir-guddoon ahaa.

Kulanka ayaa waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana ugu dambayn kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban saddex qodob kuwaasoo kala ah:

  1. Waxaan aad uga xunnahay khilaafaadka ka dhex-taagan madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
  2. In si deg-deg ah loo xalliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, lana ogaado in golayaasha dowladda ay iska kaashadaan xallinta khilaafka.
  3. In guddi toddoba qof ka kooban laga soo xulo xubnaha Badbaado kuwaasoo si deg-deg ah ula kulmi doona madaxwayanaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran ee KMG ahayd taasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare C/weli Gaas, waxayna ka kooban yihiin in ka badan 30-xubnood iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaanno, iyagoo kulammo ay kaga hadlayaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku yeelan doona Muqdihso.

Xukuumaddii KMG ahayd ee badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii KMG ahayd ee muddada dheer uu ku soo jiray dalka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya