4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ku Midoobay Hoggaan cusub oo KMG ah oo shaqeyn doona muddo lix bilood ah (SAWIRRO)


Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Waxaa maanta hoteelka City Plaza ee magaalada Muqdisho shir jaraaid si wadajir ah ugu gabtay mas’uuliyiin ka kala tirsan garabto uu u kala qaybsanaa ururka dhakhaatiirka Soomaaliyeed kuwaasoo shaaciyay inay midoobeen isla markaana doorteen hoggaan KMG ah oo shaqeynaya lixda bilood ee soo socota.

Dr. Khaliif Bile Maxamuud oo ka mid ah dhaqaatiirka Soomaaliyed ayaa oo kulanka ka akhriyay heshiis lix qodob ka kooban oo dhinacyada midoobay ay gaareen, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid ay labada dhinac go’aan ku gaareen qodobbada kala ah: 

  1. In la xoojiyo midnimada dhakhaatiirta Soomaaliyeed isku xirnaantooda iyo iskaashigooda.
  2. In hoggaanka ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay sii wadaan guddi ka kooban lix xubnood oo uu guddoomiye u yahay Prof. Cismaan Aadan Cabdulle.
  3. In guddigan uu u howlgalo danaha dhakhaatiirta iyadoo waajibaadkiisa ugu weyn uu yahay diyaarinta shirweyne ay ku kulmaan dhaqaatiirta Soomaaliyed oo dhan.
  4. In shirweynaha ururka la qabto Jimcaha ugu dambeeysa bisha May ee  sannadka soo socda 2014-ka, halkaasoo si mideysan oo wadajir ah ay ugu dooran doonaan dhakhaatiirtu hoggaanka rasmiga ah ee ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
  5. In muddada ka horreysa qabashada shirweynaha lagu dadaalo in la abuuro jawi iskaashi, lana xoojiyo anshaxa iyo xirfada dhakhaatiirta iyo in si wadajir ah loogu howlgalo horumarinta caafimaadka dadka Soomaaliyeed.
  6. Ugu dambeyn in si wadajir ah loo saxiixo heshiiskan lagana sii daayo qalabka warbaahinta; wuxuuna dhaqan-galayaa heshiiskan laga billaabo maanta oo taariikhdu tahay 13-ka Novembar 2013-ka.

Guddoomiyihii hore ee ururka dhakhaatiirta Soomaaliyed Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo munaasabaada ka hadlay ayaa sheegay in ururka uu soo hoggaaminayay muddo toddobo sano ah uu maanta ku wareejiyay Prof. Cismaan Aadan Cabdulle.

“Waxaan jecalahay inaan u mahad-celiyo dhamaan xubnihii xilka ii doortay muddadii lasoo dhaafay iyo sida ay iila shaqeeyeen, waxaana u rajeynayaa guddiga cusub inay dadaal intaas ka badan kusii hoggaamiyaan ururka isla markaana adkeeyaan midnimada iyo tayada ururka, waxaana u rajeynayaa guul iyo horumar,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadaas Prof. Cismaan Aadan Cabdulle oo isna xusay inuu ku faraxsan yahay midowga iyo wadajirka dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

“Ururka lixda bilood ee soo socota wuxuu ka shaqeyn doonaa anigoo aad u fahamsan mas’uuliyadaas culeyska ay leedahay in dhakhaatiirta la mideeyo loona dhiso urur dhidibbo-adag leh oo isku xira dhakhaatiirta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waan ogolaaday inaan arrintaas kala shaqeeyo bah-weynta caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Cismaan Aadan oo u mahad-celiyay Dr. Dalmar oo uu sheegay in toddobadii sano ee uu xilka hayay wax badan uu kasoo qabtay danaha dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

“Waxaan u sheegaynaa ummadda Soomaaliyed in dhakhaatiirtoodu ay mid noqdeen aysana jirin wax kala qaybsanaan ah oo ka dhex-jirta lix bilood ka dibna ay dooran doonaan hoggaan cusub oo danahooda ka shaqeeya,” ayuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay Dr. Cismaan Aadan Cabdulle.

Tallaabadan ayaa waxay soo afjaraysaa muran muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay dhakhaatiirta Soomaaliyeed, iyadoo la xusuusto in dhowr jeer oo hore ay dhakhaatiirta Soomaaliyeed u kala jabeen garabyo kala duwan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya