4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Saraakiil ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha hormarinta oo booqday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Saraakiil ka soctay hay’ad ka shaqeysa arrimaha hormarinta oo loo soo gaabiyo NIC, oo wehliyeen xubno isugu jiray Soomaali iyo ajnabi oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa aheyd in ay u kuur-galaan burburka waddada dheer ee isku xirta Jante-kuundisho iyo qeybaha kale ee magaalada, iyaga oo sidoo kalena tagay soona eegay garoomadii  hore ee kubada lagu cayaari jiray iyo meelaha inta badan wabigu ka soo fataho marka ay jiraan daadadka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo HOL la hadllay ayaa sheegay in booqashada wafdiga gaaray magaalada Beledweyne qeyb ka tahay qorshe horay ay is kula meel dhigeen maamulka gobolka iyo hay’adda NIC oo la xiriira sidii ay wax badan uga qaban laheyd arrimaha marinta gobolka, gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo jidadka bur bursan ee magalada oo aan wax dayactir ah helin laga soo bilaabo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

“Ujeeddada socdaalka xubnaha ka socday hay’adda NIC waxaa uu qeyb ka yahay qorshe aan horay iskula meel dhignay oo ah in dib-u-dhis lagu sameeyo kaabayaasha nolasha ee muhiimka u ah adeega bulshada oo ay jidadku ka mid yihiin, runtiina safarkoodu waxaa uu la xiriiraa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen arintaa iyada ah,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ayaa intii ay joogeen magaalada Beledweyne kulamo kula yeeshay xarunta maamulka gobolka mas’uuliyiinta heer gobol, degmo iyo agaasimaha arimaha gudaha oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka wada hadlleen socdalkooda iyo sidii dhaqse loogu anba-qaadi lahaa arrimaha hormarinta.

Marka laga soo tago dib-u-dhiska ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in uu dayactiro xarumihii dowladda ee ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah xabsiga magaalada Beledweyne oo markii ugu horeysay mudo 23 sano ah kadib shaqeynaya islamarkaana ku xiran yihiin maxaabiis kala duwan.

Marka la gaaro xiliyada Roobka waxaa dhibaato xoog leh kala kulma bur burka wadada gadiidka xamuulka oo ay ku adkaato isticmaalka wadada laamiga ah, madaama waqtiyada kale ay iska isticmaalan gadiidka jidadka ka baxsan laamiga.

“Qorshaheenu waxaa uu yahay mudada gaaban ee ka dhiman sanadka  in aan wax badan ka qabo arrimahan la xiriira dib-u-dhiska kaabayaasha bulshada sida jidadka oo kale oo runtii muhiimad gaar ah noo leh,  sidoo kale wax yaabaha aan xoogga saareyno waxaa ka mid ah soo celinta bilicda magaalada, sida nalalka ku shaqeeya cad-ceeda oo aan rajo badan ka qabno in aan u helno magaalada, ballan-qaadyo arintaa ku saabsanna waa ay jiraan,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay booqashada wafdiga iyo dib-u-dhiska la sheegay in lagu sameynayo jidadka bur bursan magaalada oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya