4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2013
Madaxweynaha deegaanka Soomalida Itoobiya oo ku baaqay in Gargaar loo diro goobaha duuftaantu ku dhufatay ee Puntland

Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka tacsiyay dhamaan dadkii ku waxyeeloobay duufaantii ku dhufatay qaybo mid ah Puntland, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii roobabkaasi ku naf waayay.

War-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu muujiyay sida dadka dowlad deegaanka Soomaalida ay ula qayb-sanayaan walaalahood murugada ku aadan duufaanihii ku dhuftay Soomaliya meelo ka mid ah  ,waxaana si gaar ah loogu xusay in madaxda dowlad deegaanka ay kaalmo la garab istaagi doonaan dadkii duufaantaas ku cayroobay.

"Xukuumada DDSI ayaa ilaahay uga baryaysa in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo shacabkii ku geeriyooday masiibadan qoysaskii iyo ehelkii ay ka baxeen," ayaa lagu yiri war-mutiyaadkaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay khasaaraha ka dhalan kara dhibaato  caynkan oo kale ah.

Waxaa kaloo war-mutiyeedka lagu xusay in DDSI ay diyaar u tahay gaar-siinta gar-gaar dhinacyo badan isugu jira goobihii ay  sida daran roobabku u sameeyeen,iyadoo abaabulka arintasi si weyn looga dareemayo gudaha magaalada jig-jiga oo ah caasimadda dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/rixman Faroole oo maalin ka hor hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in dhaman walaalaha Somaaliyeed iyo waliba beesha caalamka looga baahanayahay taageero ku aadan in laga hortago masiibadan iyo in gar-gaar la gaarsiiyo dadkii ku naf-waayay oo ila iyo hadda ay tiradoodu sii kordhayso .

Goobaha sida daran duufaantu ugu dhufatay ee Puntland ka tirsan waxa kamid ah degmooyinka kala ah Xaafuun, Bander Bayla, Caluula, Rako Raaxo, Dangoranyo, Eyl iyo Jariiban,waxaana ilaa hadda la waayay tiro kaluumaysato ah ,kuwasi oo xeebaha fog ugu maqnaa kaluumaysi markii ay duufaantu bilaabanaysay.

Ugu danbayntii abaabulka  loogu jiro in gar-gaar la gaarsiiyo goobahaasi waxaa ka qayb -qaadanaya culumaa'udiinka magaalada Jigjiga,iyaga oo kaashanaya dowladda qaybaheeda kala duwan si loo samata bixiyo boqolaalka qof ee ku guryo beelay masiibooyinka ilaa iyo hadda dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya