Arbaco, November 13, 2013 (HOL) - Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General C/xakiim
Daahir Saciid (Saacid) oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee
caasimada dalka Uganda ayaa wadahadalo la yeeshay saraakiisha dhanka ammaanka
ee dalkaas.
Wadahadallada oo diirada lagu saarayay iskaashi toos ah oo
Soomaaliya iyo Uganda ay ka yeeshaan dhanka ammaanka iyo sirdoonka ayaa ku
dhammaaday is-afgarad.
General Kale Kayihura oo ah taliyaha ciidamada booliska ee dalka Uganda ayaa sheegay in booliska iyo sirdoonka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan dhinacyada sirdoonka, isdhaafsiga macmuulaadka, tababarada iyo waliba dhisitaanka xirfada ciidamada booliska iyo sirdoonka Soomaaliya.
General C/xakiim Daahir Saciid iyo General Kale Kayihura
ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay dhisaan guddi farsamo oo labada dal ka wada
dhexeeya kaasoo ka shaqaynaya sidii loo hormarin lahaa xiriirka dhanka ammaanka
iyo sirdoona labada wadan oo uu ka dhexeeyo xiriir adag maadaama Uganda ay
tahay waddanka ciidamada ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan marka laga hadlayo
wadamada Afrikaanka ah ee ciidamada AMISOM ku deeqay.



Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya