4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Waa in la joojiyo Colaadaha iyo Dagaallada ka jira Tuulooyinka ku dhow Magaalada Jowhar"


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan dhinacyada uu dagaalku ku dhexmarayo deegaannada ku dhow degmada Jowhar inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaallada u dhexeeya.

Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu ku guuleystay in dagaalladaas la joojiyo sidoo kalena uu ku guuleystay inuu ciidamo kala dhex-dhigay, ciidamadii la geeyay halkaasna ay ku guuleysteen inay shacabkii barakacay dib ugu soo celinayaan deegaannadoodii.

“Dadkii ku barakacay ee dagaaladda dib ayay deegaannadooda ugu laabteen haddana waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Dowladdu waxay qorsheynaysaa in ay dib-u-heshiisiin dhex-dhigto beelaha dagaalamay; ayna madax dhaqanka iyo bulshada rayidka dadaal u galaan sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaallada iyo colaadahana waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaallada.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda si loo joojiyo colaadaha, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay nabad ku wada-noolaadaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadcdeliyay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo uu sheegay in labadooduba ay dowladda ka saacideen dhinaca tasiilaadka.

Toddobyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa daafaha degmada Jowhar ka socday dagaallo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo deegaanno ku dhow degmada Jowhar deggen, kuwaasoo muddo ku muransanaa lahaanshaha dhul beereed.

Dagaalladaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 40-qof iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen lixdameeyo qof oo kale, waxaana dagaalladan ay dib u soo noqdeen dhowr jeer, kaddib markii heshiisyo laga gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya