4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Kulan looga hadlay Ammaanka gobollada Sool iyo Sanaag oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Kulan aqoon is-waydaarsi ah oo looga hadlayay arrimaha nabada gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood.

Kulankan ayaa waxaa shir-guddoominayaay goddoomiyaha gobolka Sool, Maxamad Faarax Aadan iyo mas’uuliin ka socota hay’adda FCA oo laga leeyahy dalka Finland oo maal-galinaysay qorshaha nabadda gobolka Sool waxaana kasoo qayb-galay mas’uuliin ka kala socda dagmooyinka gobolka, hay’adaha nabad-galyada gobolka sida booliiska, jeelasha, asluubta iyo bulshada kala duwan ee gobolka.

Kulankan oo lagu gor-feynayay arrimaha nabadda gobolka Sool ayaa kani  uu ahaa wareeggii labaad sida uu sheegay goddoomiyahay gobolka, waxaana uu carabbaabay in kulankan lagu soo gudbiyay arrimaha caqabad ku ah nabadda gobolka iyo xalkoodii.

“Waxaanu aad idiin kaga mahad-celinaynaa sida aad maskaxdiina u soo tuujiseen ee aad u soo gudbiseen qorshihii aan ku hawl-gali lahayn ee ku saabsanaa qorshaha nabada gobolka,” ayuu yiri Faarax, isagoo intaas ku daray inay jiri doonaan kulammo dambe oo lagaga hadli doono sidii loo hir-gelin lahaa qodobbada maanta lasoo gudbiyay.

Jaamac Faarax Aadan oo u hadlay hay’adda FCA ayaa wuxuu sheegay in hay’addan ay ku talo-jirto inay ka caawiso gobolka sidii loo dajin lahaa qorshaha nabada oo kulankii hore la isla gartay in khilfaadka gobolkan meelaha ugu badan ee ay kasoo burqadaan ay yihiin ama gaarayaan dhowr iyo labaatan qodob.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha nabadda gobolka Sool ayaa bulshada ku nool gobolka ay ku diirsadeen, iyadoo muddooyinkan dambe ay maamulka iyo shacabku kawada shaqeynayeen.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool