4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Somaliland oo Sheegtay inay Gacan Bani’aadamnimo ay u Fidinayso Dadka Puntland ee ay saameynt ku yeesheen Dabeylaha

Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka qaybqaadan doonaan caawimadda loo fidinayo dadka waxyeeladda ka soo gaadhay deegaanka Puntland ee duufaanadu ku dhuftaan, kuwaas oo la sheegay inay boqol qof ku geeriyoodeen duufaanadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday duufaanaddaasi ku dhuftay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Putland, waxaanu sheegay inay gacan ka gaysan doonaan dadkaasi dhibaatadu soo gaadhay ee ku dhaqan deegaankaasi, isla markaana caawimo bani’adanimo ka gaysan doonaan.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in heegan la galiyey ciidamada kala duwan ee Somaliland, si haddii dhibaato gaystaan roobabka ka da’aya Somaliland ugu gurmadaan.

Wasiirku waxa uu dadweynaha uga digay inay ka fogaadaan goobaha biyuhu maraan iyo dhulalka godan ee daadadku ku soo rogmanayaan si aanay dhibaato uga soo gaadhin.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga Maxamed Muuse Cawaale, ayaa dadka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan khasaare ka dhalankara roobabka la filan karo inay ka da’aan Somaliland, isagoo gaadiidka iyo dadkana ugu baaqay inay meelaha biyo mareenada ah si taxadar ah iskaga eegaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in labadda maalmood ee soo socda la filan karo roobab waaweyn oo ka da’a Somaliland, haseyeeshee waxa uu sheegay in aanu illaa hadda maqlin wax dhibaato ah oo ay keeneen roobabkaasi da’aya.

Sidoo kale, Diyaaradihii ka soo degi lahaa maanta madaarka Hargeysa ayaa loo leexiyey madaarka Berbera, Diridhaba iyo Jabuuti ka dib markii cilimada magaaladda Hargeysa isbedeshay, isla markaana madow iyo roobab kala qaadi waayey ka Da’ayaan magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, labaddii cisho ee u dambeeyey ayaa guud ahaan Somaliland waxa ka da’ayey Roob aan kala joogsi lahayn oo watay qabow xad dhaaf ah.

Magaaaladda Hargeysaa Roobkii shalay duhurkii ka bilaabmay ayaa illaa galabta da’ayey, iyadoo magaaladda kala xidhay daadad, isla markaana dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidkuba yaraaday, sidoo kale, waxa roobkan oo tiix tiix ah marna Caadi u da’ayey dadkii ku keentay cabsi badan ka dib markii deegaanadda Puntland laga sheegay khasaare badan oo roobkaasi oo dabaylo wataa ka geysteen.

Illaa hadda lama sheegin wax khasaare oo ka dhashay roobkaasi, haseyeeshee qabowga faraha badan iyo roobka aan kala qaadin ilaa shalay ayey dadku cabsi badan ka qabaan inuu dhibaato ka dhasho, iyadoo la sheegayo in labada maalmood ee soo socda la filan karo roobab waaweyn.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland