4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Sheegay in Guddi Heer Qaran ah loo saarayo qiimeynta khasaaraha ka dhasha Duufaanta

Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay duufaannadii ba’naa ee ku dhuftay qaar ka mid ah deegaannada Puntland, isagoo sheegay dad badan ay dhibaato kasoo gaareen dabeylahaas.

Guuleed oo sii hadlay ayaa hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu gurmad ula gaaraan dadkii ay saameynta ku yeesheen dabeylahaas, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ay arrintaasi u saareyso guddi heer Qaran ah oo soo qiimeynaya waxyeellada ka dhalatay duufaantaas, isagoo uga mahadceliyay  maamulka Puntland dadaalka ay arrimahaas ka geysteen.

Duufaantan oo ah mid wadata qabow daran iyo roobab ayaa waxay Jimcihii ka billaabatay deegaannada xeebta ku yaalla ee Puntland, iyadoo welina ka jirta halkaas, waxaana la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 100-qof.

Sidoo kale, dadka ka faallooda saadaasha hawada ayaa waxay sheegeen in duuufaantan ay sii socon doonto illaa maalinta Arbacada ah, balse arrinta ugu weyn ee taagan ayaa ah sidii dadka ku sugan deegaannadii ay roobabku ay iyo dabeyluhu ku dhufteen gargaar loo gaarsiin lahaa.

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo shalay arrintan ka hadlayay shalay oo Isniin ahayd ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay dabeylahani ka geysteen deegaannada xeebaha ku yaalla sida Bandar-bayla iyo Eyl.

Faroole wuxuu ha’yadaha gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ula gaaraan dadka weli ku sugan deegaannada ay dabeyluhu ka jiraan, isagoo sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqay inay iyaguna ka qaybqaataan caawinta walaalahood.

Dhanka kale, madaxda dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeedyo si kala gooni-gooni ah u soo saaray maanta ayaa waxay ku baaqeen in dhaqso leh gargaar loola gaaro dadka ay saameysay duufaantan xoogga badan.

Lama oga sida ay Puntland ku tegi karaan guddiga heerka Qaran ah ee uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in dowladda federaalku ay u saareyso qiimeynta khasaaraha dambeyluhu geysteen, maadaama ay horay Puntland u sheegtay inay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya