4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Madaxweynaha Puntland oo lugu wado inuu dhawaan booqdo deegaannadii ay Roobabku Waxyeelleysay iyo Dhaqaale la Ururinayo

Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Guud ahaan deegaannada Puntland waxaa xilligana ka socda dadaal lugu doonayo in loogu gurmado dadka ay waxyeelladu ka soo gartay roobabkii dabeylaha watey ee ka da'ay Puntland.

Sidoo kale, waxaa la sheegaya inay jiraan korarka khasaaraha ay roobabka sababeen, deegaanno ka tirsan gobolka Bari ayaa la sheegay inay soo dumeen aqalo taaso sababtay inay ku geryoodan dad kor u dhaafaya 40-ruux.

“Wali waxaa jira khasaare waana ay sii kordhayaan, waxaa la sheegay inay dhinteen dad gaaraya 40-ruux oo ku geeryooday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bari, wali waxaa sidoo kale da'ya roobabkii qabowga daran wata kuwaasoo sababay inay xoolo badan dhintaan,” ayaa laga soo xigtay dad ku nool deegaannada ay roobabku ka da’ayaan.

Waxaa jira dhaqaale ay bixiyeen ganacsatada, shacabka Puntland iyo qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxnimo u tartamaya, kuwasao doonaya inay gacan qabtaan dadka ay waxyeeladdu soo gartay.

Dhinaca kale, wararka aynu haleyno ayaa sheegaya in dhawaan lugu wado in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu gaaro qeybo ka mid ah deegaannada ay sida weyn u saameeyen roobabka maadamaa uu qeyb ka yahay guddi loogu magacdaray xaaladda deg-degga ah, inkastoo haddana la sheegayo inay adag tahay in la gaaro deegaannadii ay khasaaraha badani ka dhaceen maadamaa jidadkii loo mari lahaa ay biyo xireen.

Dhaqaalaha loo aruurinayo dadka dhibbanayaasha ah ayaa waxaa ay kusoo aadday xilli madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ku baaqeen in gurmad deg-deg ah ah lala soo gaaro shacabka musiibadu ku habsatay.

Horey Puntland waxay u sheegtay inay dhinteen dad gaaraya boqol ruux oo deegaanno kala gadisan ku geeriyoodey, balse xiligan dhimashuda waxaa la sheegay inay inta kor u dhaftay.

Hiiraan Online, Gaalkacyo