4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Saacid ka dalbaday inuu is-casilo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo diiday


Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka dalbaday ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuu is-casilo, inkastoo ra’iisul wasaaruhu uu arrintaas si cad ugu gacan-sayray.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay labadan mas'uul, iyadoo ra’iisul wasaaruhuna uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah.

Lama oga go’aanka uu ra’iisul wasaaruhu qaadan doono, iyadoo idaacadda VOA-da ay sheegtay in ilo wareedyo ay la xariirtay ay u xaqiijiyeen in arrintan ay ka dhalatay kaddib markii madaxweynaha iyo ra’iisul waasaruhu ay isku khilaafeen tirada laga dhigayo golaha wasiirrada xukuumadda oo la doonayo in la isku shaandheeyo.

Sidoo kale, warar ayaa iyaguna sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu kalsoonidii ka waayay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada codsiga madaxweynuhu uu u jeediyay ra'iisul wasaaraha ay taas keentay, iyadoo khilaafkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo soo dhexgalay labada mas'uul oo muddo hal sano ah wada-shaqeynayay.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa labadooduba ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, waxaana socda labada xarumood ka socda xillligan kulammo gaar-gaar ah oo arrintan la xiriiran.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballaarin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doonaan 23-wasiir iyo wax la mid ah, inkastoo uusan si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada uu ka dhigi doono golaha wasiirrada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xilka u magacaabay ra’iisul wasaare Saacid bishii November ee sannadkii tagay 2012-ka ayaa sheegay in sababta uu Saacid ugu dooray xilkan ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada-shaqeyn karaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsan yahay wadatashiyo ku aaddan sidii ay u suuro-geli lahayd in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu is-casilo, iyadoo aan la ogeyn sida uu isku bedeli karo murankan siyaasadeed oo meeshii ugu xumayd gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya