Dr. shire Xaaji faarax oo kamid ah musharrixiinta u taagan madaxtinnimada Puntland oo Nairobi lagu soo dhaweeyay (SAWIRRO)
Isniin, November 11, 2013 (HOL) - Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimo Puntland oo asbuucyadii la soo dhaafay ku soo qulqulayay magaalada Nairobi oo ay dagganyihiin jaaliyada ugu ballaaran ee Soomaalida ku dhaqan wadamada dariska ah ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay ayraboorka markii uu kasoo dagay.
Musharax Dr shire Xaaji faarax ayaa midmid u gacan qaaday taageerayaashiisu oo watay boorar ay ku dhaganyihiin sawirradiisa iyo waliba calamada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.
Dr shire Xaaji faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in hadii uu ku guuleesto uu waxbadan ka qaban doono xaalada Puntland gaar ahaanna dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga uu sanadihii ugu dambeeyay hoos u sii socday.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay Taageerayaasha iyo Jaaliyada Puntland sida aad ii soo dhaweyseen waxaan idin leeyahay waad mahadsan tihiin, shirar iyo Kulamo ayaan idin la yeelan Doonnaa" ayuu yiri Musharax Dr shire Xaaji faarax.
Dadkii soo dhaweeyay ayaa isugu jiray siyaasiyiin, hogaamiye dhaqameedyo iyo waliba dad shacab ah.
iyadoo uu aad u yaryahay wakhtiga naga xiga xilliga doorashada oo dhici doonta 8, January 2014 ayaa waxaa sii kordhaya musharrixiinta ku dhawaaqaysa inay u taaganyihiin xilkaasi iyagoo intooda badanina dhaliilay maamulka haatan jira oo ay ku tilmaameen inuu keenay dib u dhac dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaankaba.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]Nairobi , Kenya