4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Bulshada Rayidka oo Dowladda Somalia ka Codsatay in Warbixinta laga soo saaro Eedaymaha Kufsi ee loo haysto AMISOM


Isniin, November 11, 2013 (HOL) —  Shir si heer sare ah loosoo agaasimay ayna ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah loogana hadlayay eedaymaha la xiriira in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay kufsi iyo dhac ka gaystaan goobaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho lixdii bishan aynu ku jirno ee November.

Waxaa shirkan sidoo kale ka qaybgalay hay’ado badan oo u dooda xuquuqda aadanaha, garyaqaanno iyo dad matalyay bulshada rayidka ah, kuwaasoo ay tiradoodu ahayd 26-qof oo qaybo kala duwan oo dalka isaga yimid,waxaana dhammaantood ay si isku-wada mid ah uga qayb-qaadanayeen kulankaasi.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka loo qabtay ayaa ahayd in laga doodo arrimo ku aadan kufsiga loo haysto ciidamada AMISOM, kaasoo mar sii horaysay ay dowladda Soomaaliya u saartay guddi dhex-dhexaad ah oo soo baara waxa ka jira eedaymahaasi, waxaana HOL lasoo gaarsiiyay nuxurka war-murtiyeedkii laga soo saaray kulankaas.

Waxaa guddiga arrintan baaritaankeeda loo xil-saaray horay u magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo shaqada ay qaban-doonaan ay tahay in si mas’uuliyadi ku jirto arrintan ay u daba-galaan.

Si gaar ah waxaa gudiggan looga rabaa inay sii daayaan warbixintoodii ugu dambeysay ee la xiriirta eedaymahasi 60 cisho kaddib baaritaankii ay sameeyeen, kaasoo ku aaddan suuro-galnimada in AMISOM eedaymahan ku lug yeelan karto iyo in kale.

Dhinaca kale, bulshada rayidka ah ayaa iyagana arrintan u saaray guddi gaar ah oo daba-gal ku samayn doona warbixinada laga soo saari doono kiiskan oo aan ku koobnayn kufsi oo kaliya, iyadoo horay arrintan ay isaga fogeeyeen madaxda nabad ilaalinta ee ku sugan Muqdisho.

Gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray dhowr qodob kuwaasi oo u badnaa waxyaabaha looga baahan yahay guddiga ay dowladda arrintan u xil-saartay iyadoo si gaar ah loo cambaareeyay hadalkii uu afhayeenka AMISOM  Col. Cali Aadan Xamud uu ku beeniyay in wax kufsi ah aysan ku lug yeelan karin ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa kusoo aaday, iyadoo guddigii arrintan loo xilsaaray aanay wax warbixin kasoo saarin, waxaana hadalka Col. Xumad loo arkay inuu yahay mid uu ku deg-degay.

Sidoo kale, waxaa bulshada rayidka ah ay dowladda ugu baaqeen inay ka dhabayso ilaalinta xaquuqda dadka rayidka ah, iyadoo la tixraacayo axdiga u yaalla Qaramada Midoobay ee ku aaddan in laga hor-tago kufsiga, taasoo dowladda Soomaliya ay horay u saxiixday.

Ugu danbeyn, shirkan dhinacyo badan leh oo ku aaddan kufsiga iyo dhibka lagu hayo shacabka ayaa looga hadlay iyadoo markii dambe la isku raacay in guddiga dowladda u saartay arrimahan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan warbixintooda la xiriirta kufsiga loo haysto inay gaysteen askar ka tirsan AMISOM.

Hiiraan Onilne