4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
CABDI FAARAX LAQANYO: “Muqdisho waxaan u joogaa howlo shaqo waana been Wararka sheegaya Inaan is-casilay”


Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo todobaadyadii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegayay in uu iska-casilay xilkii uu ka hayay maamulka.

“Magaalada Muqdisho waa caasimadii dalka, waxaana ku sugan mas’uuliyiintii dowladda oo wax badan ay nagala dhaxeeyaan, intii aan joogayna waxaan is aragnay oo aan kulamo yeelanay mas’uuliyiinta dowladda oo dhamaantood aan ka wada hadalnay arrimo muhiim u ah nabad-galyada iyo hormarka gobolka, sidaa daraadeed waxaan leeyahay waa been abuur wararka sheegaya in aan is-casilay,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in shaqsiyaadka musharixiinta ah ee u taagan xilka guddoomiyaha gobolka looga baahan yahay in ay sugaan waqtiga doorashada, ‘’’Ma’aha in bulshada la jahwareeriyo, doorasho ayaa nagu soo fool leh, micno badan ma sameyneyso in warar aan jirin  la abuuro, waxaan diyaar u ahay in cid kasta oo ku soo baxda doorashada si nadiif ah xilka ugu wareejiyo, wixii intaa ka soo hara waxaa leeyahay waa dacaayad iyo warar aan waxba ka jirin,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Mar uu ka jawaabayay guddoomiye Cabdi Faarax Laqanyo su’aal la xiriirtay hakadka ku yimid qorshihii u diyaar-garoowgga doorasho iyo soo xulista gollaha deegaannka ayuu sheegay’’ Maya wax is badal ah ama hakad ah oo doorashada ku yimid ma jiro..walaalaha ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ee ku sugan magaalada Beledweyne  howsha waa ay wadaan, laakiin sida aan la soctaan culeysyo ayaa iska jiray dhinaca dowladda, gaar ahaan marka aad eegto arinta Kismaayo oo hadda la soo afjaray, waxaan rajeynayaa talaabada xigta oo ay dowladda qaadeyso in ay noqon doonto sidii maamul bulshada ay soo doortay looga sameyn lahaa gobolka, waxaana dhawaan soo gaari doona magaalada wafdi ka socda dowladda oo ay ka mid yihiin xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ee baarlamaanka ku jira, marka annaga waqti kasta waa ay naga go’an tahay in doorashada la qabto.’’

Laakiin waxaa uu meesha ka saraay guddoomiyaha in qorshaha doorashada hakad loo galiyay shir dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu sheegay in uu hor dhac u yahay dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada dhexe’’’ Maya…..Maya… wax is quseeya ma’aha, horeyna waan u sheegay mowqifkeena ku aadan shirka ka dhacay Nairobi, gobolka Hiiraan waa gobolka bulsho iyo siyaasad ahaan u madaxbanaan, go’aan qaadashadiisana mar walba waa mid u taala bulshada ku dhaqan gobolka, sidaa daraadeed qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan iyo shirka Nairobi ka dhacay wax isaga xiran malaha,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka sheegaya in talada gobolka loo gacan galliyay odayaasha dhaqanka kadib markii uu dhamaaday waqtigii loo idmaday in ay xilka hayaan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay.

“Dalka sharci ayaa ka jira oo ay dowladda ku dhisan tahay, waxaan rabnaa in aan si cad u  sheego inta maamul kale oo badalla ka hadda jira la soo dooranayo sida uu sharcigu qabo waxaa xilka sii heynaya maamulka hadda shaqeynaya, odayaasha waa odayaasheenii, ixtiraam badan ayeen naga mudan yihiin, door ayeey leeyihiin runtii muuqda oo aan la dafiri karin, laakiin ma’aha in odayaasha la jahwareeriyo oo laga weeciyo doorka iyo kaalinta ay leeyihiin oo runtii ah mid aan  anniga shaqsiyan ku amaanayo, odayaasha hadda waxaa ay ku howlan yihiin sidii ay u soo xuli lahaayeen gollihii deegaannka soo dooran lahaa maamulka badallaya kan hadda jira, marka waxaa is leeyahay wararka noocaas ah waa kuwo la doonayo in wax lagu marin habaabiyo, maamul waa uu jiraa waana uu shaqeynayaa ilaa helo maamulkii badalli lahaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee bishii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sababay in ay xirmaan goobihii ganacsiga ka ag-dhawaan goobtii uu qarax ka dhacay jidad muhiim u ahaa isku socdka dadka iyo gadiidka mar uu arrimahaa ka hadllayayna waxaa uu yiri guddoomiyaha’’ Waxaan ka xunnahay arintaa iyada ah, waayo kooxaha nabad-diidka ah mar kasta ujeedada ay leeyihiin waa in bulshada la cadaadiyo, wax dhaq dhaqaaq ahna uusan jirin, ganacsigu xirmo, jidadku xirmaan, sidaa daraadeed suur-tagal ma’aha in nolasha bulshada inteeda badan loo xayiro shaqsiyaad dhuumaaleysanaya, waan ka wada hadalnay arintaa anniga iyo mas’uuliyiinta magaalada joogta iyo saraakiisha ciidamada, waa in goobaha ganacsiga la furaa, jidadku furmaan, maxaa yeelay waxaan leenahay ciidamo aad u tababaran oo sugi kara ammniga iyada oo aan cariiri la gallin nolasha iyo dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, annaga ayaa nalagala rabaa in aan la imaano qorshe nabad-galyada lagu sugayo.’’

Waxaa uu sheegay in magaalada Muqdisho sidoo kale uu kulamo kula yeeshay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha hormarinta, kuwaa oo dhawaan dib u dhis ka bilaabi doona  sida uu hadalka u dhigay jidadka bur bursan ee magaalada Beledweyne, islamarkaana soo gaarsiin doona nalalka ku shaqeeya cad-ceedda ee hadda laga howl-galliya magaalada Muqdisho.

“Gobolka Hiiraan waxaa rajeynayaa in uu tusaale u noqday gobollada kale ee dalka, bulshadana soo doortaan maamul ay raali ka yihiin, waxaan sidoo kale filayaa in uu noqdo dhawaan gobolka ugu horeeyay ee ka baxa ku-meel-gaarnimad, waxaa filayaa in uu noqdo gobollkii ugu horeeyay ee hela saamigii uu ku leeyahay lacagta Labada Bilyan ah ee loogu deeqay dowladda shirkii ka dhacay magaalada Brussels oo aan uga qeyb-gallay maamulka gobolka Hiiran, bulshada waxaan leeyahay waxba yaan loo dhag-raaricin wararka raqiiska ah ee aan maslaxada gobolka marnaba u adeegeynin, rajadu waa ay wanaagsan tahay,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Mar uu soo hadal qaaday deegaannada gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta Al-shabaab, waxaa uu sheegay in la soo dhameystiray qorshihii militariga ee lagu gaari lahaa deegaannada kale ee gobolka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhawaan maamulku bilaabi doono qaadista canshuurta oo sida uu sheegay noqon doonta mid loo isticmaali doono si cad oo ay bulshadu og-tahay, madaama marnaba maamulku raali ka noqon doonin qaadista canshuur aan la ogeyn halka ay ku baxday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya