4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dhimashada Afar Ruux oo Daad uu ku Qaaday inta u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ka hadlay geerida afar qof oo daad uu ku qaaday dooxa Dacar-buluq ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii afartaas marxuum.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku dhacday Dadkii Ehelka iyo xigtada isu ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee daadku ku qaaday shalay dooxa dacar-budhuq shilkaas oo ay ku geeriyoodeen”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madxweynaha.

Dadkan uu daadku qaatay ayaa waxa laga badbaadiyey hal qof, halka afartii kalana ku geeriyoodeen, waxayna magacyadoodu kala ahaayeen:

1.Marxuuma Deeqa Cabdilaahi Nuur
2.Marxuuma Nadiira Cali Maxamed
3.Marxuum Sacad Cali Maxamed
4.Marxuum Xasan Maxamed Jibriil oo dhammaantood hal qoys kasoo jeeday.

isla markaana gaadhigii ay la socdeen uu daadku ku qaaday dooxa dacar-budhuq.

Marxuumiintaas oo gaarigii ay wateen uu daad ku qaaday dooxa xilli ay kasoo noqdeen aas nin qoyskaas ka mid ahaa oo danab uu ku dilay isla deegaanka ay musiibadu ka dhacday ee Dacar-budhuq.

Madaxweynuhu waxa uu dhamaan MARXUUMIINTAASI ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan uu ka siiyo.

Sidoo kal, dadweynaha ku dhaqan degmadda Laas-geel ee gobolka maroodi-jeex ayaa iyaguna shalay badbaadiyay nin la yidhaahdo Xasan Wayrax oo waday Baabuur dawladeed oo laga leeyahay degmaddaasi, ka dib markii uu gaadhigaasi qaaday Daad ka soo rogmaday Dooxa Dacar Budhuq.

Dadweynaha ayaa ninkan iyo gaadhiga daadku qaaday u tuuray xadhko ad-adag oo dhaadheer taasi oo lagu soo samato-bixiyay Dirawalka baabuurkaasi oo laga soo saaray dooxa.

Dooxyadda u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa sanad walba xilli roobaadyadda qaada baabuur iyo dad badan, waxaana u dambeeyey sadex qof oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida oo la odhan jiray ALLE ha u naxariistee Aadan Shire Faarax (Aadan-sanweyne) oo uu dooxaasi qaatay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland