4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Dowladada Qatar oo Cambaareysay Weerarkii ay Al-shabaab Muqdisho kula beegsatay Samafalayaal Dalkeeda u dhashay

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Dowladda Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ay Al-shababa kula beegsatay Muqdisho samafalayaal dalkeeda u dhashay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka Qatar.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen 11-qof oo shacab ah iyo ruuxii weerarka fuliyay, iyadoo aysan wax khasaare ah gaarin samafalayaashii u dhashay dalka Qatar oo saarnaa gaari aysan karin rasaasta.

“Qatar waxay si adag u camaareynaysaa qaraxii foosha xumaa ee Muqdisho lagula eegtay samafalayaal dalkeeda u dashay,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar oo ay faafisay QNA.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowaladda Qatar ay si aad ah uga soo horjeedo falka kasta oo lagu carqaladeynayo amniga, ayna taageeri ka caawin doonto dowladda Soomaaliya sidii ay dib ugu soo celin lahayd ammaanka iyo kala dambeynta dalka oo dhan.

“Kooxaha mucaaradka ah hadafkooda kuma gudbin karaan wax la mid ah falalkan argaagxiso,” ayaa lagu yiri, iyadoo beesha caalamka loogu baaqay inay ka taageeraan dowladda Soomaaliya sidii ay ammaanka u sugi lahayd.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli lagu wado in maalinta berry ah uu ka furmo magaalada London ee xarunta UK, shir dhaqaale loogu ururin doono Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan in ka badan 50-xubnood oo ka socda dowlado iyo ururro caalami ah.

Ismiidaamintii shalay oo ay mas’uuliyaddeeda sheegatay Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ka dhaca Muqdisho, kaasoo sababay in dib loo xiro waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Bishii lasoo dhaafay Al-shabaab waxay 34-qof oo isugu jira rayid iyo dad ka shaqeeya garsoorka ku dileen weerar ay ku qaadeen xarunta ay maxkamadaha dalka ku shaqeeyaan, xilligaasoo ay howlo fara badan ka socdeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo dheeraad ah ka geysan doonaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, qaraxii shalay dhacayna uu hordhac u yahay qaraxyo kale oo waddada kusoo jira, balse ma aysan sheegin goobo gaar ah oo ay la beegsan doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya