4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Gaaray Magaalada London ee Dalka Ingiriiska

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee xarunta dalka Britain, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shir loo qabanayo Soomaaliya, si yabooh dhaqaale loogu ururiyo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee London ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain iyo Soomaalida ku nool dalkaas, iyadoo la geeyay halkii loogu talogalay inay dagaan.

Xubnaha madaxweynaha safarkiisa ku wehliya wasiirro ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga iyo wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax C/qaadir iyo howlwadeenno kale.

Guddiyo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo Britain ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen London maanta kaga hadlay sida uu u qabsoomi karo shirka loo qabanayo Soomaalida, kaasoo qodobbo badan looga hadli doono.

Shirkan ayaa waxaa wadajir ah u guddoomin doona madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron iyadoo qodobbada looga hadli doono ay ka mid yihiin sidii caalamka uu uga caawin lahaa dowladda Soomaaliya dib u dhiska dalka iyo soo celinta amniga.

Waxaa kaloo lagu soo qadi doonaa shirka tacdiyada xuquuqda Aaadanaha ee ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kufsiga oo noqday arrin si weyn looga hadal-hayo dunida oo dhan, iyadoo dowladda Britaina ay sheegtay in kufsiga uu yahay muhiimadda ugu weyn ee shirka looga hadli doono.

Madax ka kala socda 50-dowladooda oo caalamka iyo ururrada sida UN-ka, AU-da, EU-da iyo kuwo kale oo caalami ah ayaa ka qaybgalaya shirkan oo ah kii labaad oo Soomaalida loogu qabto magaalada London ee dalka Britain.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya