4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Deeq Lacageed oo la Gaarsiiyay Qoysaska uu Dannab ama Biriqi Waxyeello ugu geystay duleedka Magaalada Laascaanood

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo ka badan 3,000 oo doolarka Maraykanka ah ayaa la gaarsiiyey qoysas danab ama biriqi ay dhawaan ku waxyeellaysay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Deeqdan lacageed ayaa ka timid dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, iyado oay soo dhiibeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalkaas ku nool sida ay u sheegeen warbaahinta, C/nuur Cige Cawad iyo Cali Maxamed Cabdi Baal oo loosoo wakiisahay inay deeqdan gaarsiiyaan qoysaska loogu talogalay.

Lacagtan oo dhan 3,050 doollar ayaa sida loo qaybiyay laba qoys oo ka kooban min 12 caruur ah iyo hooyooyinkood oo 29-kii bishii Maarso ee lasoo dhaafay ay biriqi dishay aabbayaashii qoysaskaas iyo xoolo nool oo ay dhaqan jireen, waxaana musiibadan ay ka dhacday deegaanka farxas-kulle oo 10-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood.

Mahado Xasan Cali iyo Cadar Xasan Gurxan oo iyagu guddoomay deeqdaas ayaa u mahadceliyey dadka walaalahood ah ee gurmadka u soo fidiyay iyo kuwii garab-taagnaa muddadii ay musiibadu haleeshay, waxaanay gaar-gaar u xuseen dareenka ay u muujiyeen walaaalahooda ku nool gudaha iyo dibadda.

Ma ahan markii ugu horreysa oo deeq noocan oo kale lasoo gaarsiiyo qoysaskan; waxaase bishii aan soo dhaafnay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dibadaha dalka ay soo gaarsiiyeen deeq dhan 1,400 oo doollar labadan qoys, iyadoo dadka guduhuna ay billowgii dhacdadan siiyeen qoyaskan lacag gaarysa 1,000 doollar si ay caymis ahaan ugu isticmaalaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool