4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ka mid ah madaxda ka qaybgalaysa shirka Somalia loogu qabanayo Magaalada London

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee xarunta Britain oo lagu wado inuu furmo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Geelle ayaa sidoo kale, London laga qaybgalaya shir looga hadlayo xiriirka ganacsiga iyo maal-gashiga Jabuuti iyo UK, kaasoo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda UK iyo xafiiska dalalka barwaaqo-sooranka.

Wafdiga Geelle uu hoggaaminayo ayaa waxay ku sugnaanayaan Britain 07-da illaa 08-da bishan May, waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Yuusuf iyo wasiirka lacagta iyo dhaqaalaha, Ilyaas Dawaleh.

Dalka Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaray howsha nabad raadinta Soomaaliya, iyagoo ay Soomaaliya ka joogaan 1,000 askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika AMISOM, waxaana ciidanka Jabuuti ay ka howlgalaan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Jabuuti waa dalkii saddexaad ee qayb ka noqda howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo kusoo biiray bishii Diseember ee sannadkii 2011, iyadoo ay ka horreeyeen oo keliya dalalka Uganda iyo Burundi.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa geeska Afrika waxaa soo maray dhibaato aad u weyn, ciidamada Midowga Afrikana waxay gaareen guulo wanaagsan, laakiin waxaan qabaa in dagaal laga fogaado. Rajadayda ku aaddan shirka lagu qabanayo London waa laba arrimood inuu xoojiyo, kuwaasoo kala ah: in la xoojiyo horumarradii laga gaaray shirarkii hore ee London iyo Istanbuul ka dhacay iyo in la cusboonaysiiyo ballanqaadyadii beesha caalamka ee ahaa in ay ka qaybqaadanayaan soo celinta ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya,” ayuu yiri Geelle oo sharraxaad ka bixinayay shirka Londno ka furmaya 07-da bishan.

Maalinta Arbacada ah oo bishan ay ku beegan tahay 08-da ayaa lagu wadaa in Geelle uu ka qaybgalo shir lagu horumarinayo ganacsiga lagu xoojinayo fursadaha maal-gashi ee dalka Jabuuti, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan saraakil ka socda dalka Britain, diiraddana lagu saari doono, habka lagu horumarin karo, tamarka, khayraadka dabiiciga ah, qalabeynta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo isgaarsiinta.

Shirkan oo lagu qabanayo Drapers Hall ayaa waxaa khudbadaha ka jeedin doona xubno ay ka mid yihiin: danjiraha Jabuuti ee Britain, Rachad Faarax, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jabuuti, Siciid Cumar Muuse iyo madaxa bankiga Jabuuti, Axmed Cismaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya