4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Al-shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho kuna hanjabtay Qaraxyo kale

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay weerarro kale oo cusub ka gysan doonaan caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii Muqdisho uu ahaa mid ay ku beegsanayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowaldda Soomnaaliya, ayna ka go’an tahay inay beegsadaan mid walba oo ka madaxda dowladda.

“Weerarro kale ayaa waddada kusoo jira,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo intaas ku daray in weerarkii maanta ay ka gaareen ujeeddadii ay ka lahaayeen, balse ma sheegin khasaare ay ku geysteen.

Al-shabaab ayaa waxay muddo sannado ah dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya si ay xukunka uga tuurto, waxayna dowladda ku tilmaamaan in ay mid taageerada ugu badan ka hesha reer galbeedka oo ay u fuliso danahooda.

“Innaga ayaa ka dambeynay weerarkii maanta, waxaana la beegsannay gaari uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa kuwa aysan xabbaduhu karin,” ayuu yiri Abuu-Muscab, iyadoo wasiirka oo hadlay uu sheegay inuusan la socon gaariga la weeraray.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ha’yadaha ammaanka ee dowaldda Soomaaliya ay muddo afar casho xireen jidadka Muqdihso iyagoo sheegay inay heleen farriimo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay ka geysato caasimadda qaraxyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab sheegato inay mas’uul ka ahayd qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo sababay khasaarooyin fara badan oo intooda soo gaaray dad shacab ah.

Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab ayaa ku boorriyay dagaalayahannada kooxda inay xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah dowladda oo ay ka mid yihiin kuwa is-qarxinta ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inaysan ka baqin tirada ciidamada ay dagaalka kula jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya