4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadiid ay la socdeen Samafalayaal u dhashay dalka Qatar oo ka dhacay Muqdisho


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo cunug yar oo ay wadatay ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Weerarkan ayaa lala beegsaday gaadiid ay saarnaayeen samafalayaal dalka Qatar u dhashay iyo ciidammo ka tisran dowladda oo waday, waxaana mid ka mid ah gaadiidka la beegsaday lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ma jiraan khasaare kasoo gaaray weerarka samafalayaashii u dhashay dalka Qatar, kuwaasoo saarnaa gaari ka mid ah kuwa qaraxu qabsaday, waxaana ay gaariga ka dageen iyagoo bad-qaba.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel 100-tallaabo u jirta safaaradda dalka Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana weerarka sheegatay kooxda Al-shabaab oo warbixin ay soo saareen ku sheegay inay beegsanayeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

"Baabuurka qarxay wuxuu ahaa mid yar, waxaana uu daba socday gaadiidka wafdiga waday, si kaddis ah ayuu ku qarxay, waxaan arkay dad badan oo ku daatay dhulka, runtii wuxuu ahaa qarax weyn oo dhawaanahan aan maqlin," ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa isgoyska uu qaraxu ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo goobta soo gaaray ayaa sheegay inay ku dhinteen weerarkan in ka badan 10-qof oo uu ku jiro askari ciidamada nabadsugida ka tirsan, dad kale oo badanna ku dhaawacmeen, iyadoo ay ku dhinteen isbitaalka Madiina qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-shabaab, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dhibaato loogu geystay dad shacab ah, laguna weeraray samafalayaal dalka u yimid inay caawinayaan dadka Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kaddib markii hay'adaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho.

Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab ayaa farriin uu soo diray wuxuu ku boorriyay dagaalyahanada kooxda inay xoojiyaan weerarrada ismiidaaminta ah ee ay la beegsanayaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM oo uu ku sheegay shisheeye soo duulay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya