4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Machadka Chatham House oo Magaalada London kulan u Qabtay Hay'adaha Samafalka ee Soomaaliya Qaarkood (SAWIRRO)


London, UK

Sabti, May 04, 2013 (HOL) - Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Chatham House oo ay ka hadlayeen madaxda hayadaha samafalka ayaa ka dhacay magaalada London maalintii Jimcaha. Hay’adaha xogwaranka soo jeediyey oo kala ahaa Somali Relief Development Forum oo ay magacooda ku hadleysay Raxma Ahmed, Elman Peace and Human Rights Centre oo ay magcacooda ku hadleysay Fartuun Adan, Wajer South Development Association oo magacooda ku hadlayey, Caydarus Daar iyo Abdi Adan Ali oo ku hadlayey magaca isbaheysi badan oo kaalmo ka geysta Soomaaliya ka dib markii ay heli wayeen dal ku galka wadanka Ingiriiska.

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Fartuun Adan oo ah madaxa Elman Peace and Human Right Centre. Waxay ka hadashay tariikhda dheer ee ururkan iyo siduu  mar walba ugu dhex shaqynayey bulshada 20-kii sano ee la soo dhaafay. Waxay ka hadashay mashruuca ay ku caawiyeen haweenka kufsiga loo geysto. Waxaa isna aad u sharaxay shaqada ay ka qabtaan ee dhinaca waraabka, quudinta iyo caawimida dhaqaale ay ka geystaan koofurta soomaaliya Cydaruus Daar oo ah howlwadeen ka socda hay’adda South Wajer Development Association. Rahma Ahmed oo ku hadashay ururka Somali Relief Development Forum oo soo jeedisay waxyaabihii ay ku soo aragtay socdaal ay baaritaan ay ku martay Soomaliya. Waxay ka hadashay sida bulshada ay ugu xirmeen caawimaada iyo ururada aad u soo badanaya oo shaqadoodu aad isugu dhow dayahay. Waxaa ugu dambeyntii hadalka qaatay Abdi Adan Ali oo ka hawlgala ururka Saferworld wuxuu ka hadlay siday muhiim u tahay in dawladdu u wajacdo nabad ku dabaalka dalka oo ay lama huraan tahay si ay hayadha samafalku u shaqeeyaan.

Waxaa shirka ka soo qeybdaly dad si gaar ah loogu cusamay oo isugu jira ururada bulshada ee ka howlgala Britain. Waxaa si lam filaan oo aan la sii shaacin ugu soo qeybgalay wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada ee arrimaha Somalia, Mr Nicholas Kay. Mr. Kay wuxuu ka codasay isaga oo su’aal ahaan u weydiiyey dhamaan soo jeediyaashii ka socaday ururada meesha ka hadlay. Talooyinkooda waxaa ka mid ahaa in UK ay si aad ula shaqeyso ururada madaxa banaan oo aanay hayadaheedu la baratmin ururadan madaxa banaaan wada shaqeyn hufanna dhex marto.

Shirka waxaa gudoominayey hawlwadeen ka socday Chatham House Mudane Jason Mosley.   

Hiraan Online UK