4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Wakiilka Midowga Afirka ee Somalia oo Rajo wanaagsan ka muujiyay shir ay la yeelanayaan Qurbo-joogta Soomaaliyeed


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Wakiilka gaarka ah ee Midowag Afrika u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulan ay qurbo-joogta Soomaalida kula yeelan doonaan magaalada London ee dalka Britain 09-ka illaa 11-ka bishan May.

Danjire Anaadiif ayaa sheegay in kulankan looga hadli doono sidii lagu fulin lahaa lixda qodob ee dowaldda Soomaaliya ay u dajisay inay ku howl-gasho, isagoo xusay in sidoo kale looga hadli doono sidii qubo-joogta Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in labada casho ee kulanka uu socdo la tusi doono qubo-joogta Soomaalida xaaladda uu dalkooda marayo, si ay uga qaybqaatan fulinta lixda tiir ayna arkaan dalkooda oo deggenaasho buuxda ay kusoo laabatay. Sidoo kalena ay ka qaybqaataan howlaha lagama maar-maanka ah ee ay uga qaybqaadanayaan dib u dhiska dalka iyo sidii ay dalka ugu soo laaban lahaayeen.

“Waxaan rajeynayaa in kulanka labada maalmood soconaya ay qubo-joogtu ku taageeraan howgallada ay AMISOM kawaddo gudaha dalka iyo xilliga uu socon doono howlgalka lagu xaqiijinayo ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Soomaaliya waxay gaartay heer khatar ah siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Sidaa darteen kuanka aan la yeelanayno qurbo-joogta Soomaaliyeed innagoo ah ururka Midowga Afrika iyo AMISOM  waa mid aan ku raadinayno in qurbo-joogtu ay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale kulanka waa mid aan ku dhisayno  xiriir dhexmara qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo AMISOM.”

Wuxuu hoosta ka xariiqay in AMISOM ay doonayso inay sii waddo xiriirka ay la yeelanayso shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool si ay u tusto inay dalkooda u joogaan caawintooda iyo sidii Soomaaliya ay ku noqon lahayd dal deggenaasho ka jirto.

“Xiriirka aan la sameynayno Soomaalida qurbaha ku nool waa mid qayb ka ah howsha ay AMISOM halkan u joogto, waxaana doonaynaa inaan tusno Soomaalida inaan doonayno inaan dib u soo celinno nabadda iyo xasilloonida dalkooda Soomaaliya,” ayuu dajire Anaadiif kusoo gabgabeeyay hadalkiisa.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay kula kulanto Soomaalida dibadaha ku nool, inkastoo ay AMISOM horay kulammo ugu qabtay Soomaalida dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika, kuwaasoo looga hadlay howlgallada ay ciidamada Midowga Afrika ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya