4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Caalamiga ee Joojinta Cabista Sigaarka oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xarunta jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta joojinta sigaarka iyo tubaakada oo 31-ka May oo sanad walba caalamka oo dhan laga xuso.

Munaasabaddan oo ay qaban-qaabisay jaamacadda Banaadir ayaa waxaa ka soo qaybgalay, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, dhaqaatiir, madax ka socotay ururka caafimaadka adduunka (WHO) iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed isla markaana macallin ka ah jaamacadda oo kulankaas hadal dheer ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.

“Maanta oo ay ku beegan tahay 31-ka May 2013 waa maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol-leeyahay in bulshada caalamka lagu wacyi-geliyo khatarta ay leedahay tubaakada taasoo dhibaato xooggan gaarsiisa qofka isticmaalaya,” ayuu yiri Dufle oo intaas ku raaciyay: “Sigaarka, shiishadda, tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado dhammaantood caafimaadka ay dhibaato u geystaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dadka guud ee dunida ku nool ay 1.45 bilyan oo qof isticmaalaan sigaarka iyo noocyada kale ee tobaakadu ka sameysan tahay, ku dhawaad hal bilyan ama (80%) dadkaa waxay ku nool yihiin dalalka soo koraya, isagoo xusay in cabista sigaarka ay shan jeer ku badan yihiin ragga marka la barbar dhigo dumarka.

“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho deg-deg ah ama cimri-gaabi, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan qiyaastii lix milyan oo ruux, in ka badan shan milyan oo dadkaas ka mid ah si toos ah ayay u cabaan sigaarka ama horay ayay u cabi jireen, halka 600,000 ay yihiin dad aan cabin balse si dadban uu ku gaaray,” ayuu Prof. Dufle hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sigaarka ay ku jiraan 12 maaddo oo kiimiko ah, dhallina kara cuduro uu ka mid yahay kansarka isagoo xusay inay ka mid yihiin Arsenicm benzene, Ene, Formal deheyde, Carbon-monoxide iyo maado loo yaqaan Nicotine-ka oo sababta in la qabatimo sigaarka jir iyo maskaxda.

“Cabista sigaarka waxay sababtaa 25 cudur oo ay ka mid yihiin: kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30 % (Heart attack & Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada ku dhaca sambada ee loo yaqaano (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada, sidoo kale wuxuu sababaa kansar ku dhaca meelo badan sida sambabbada, dhuunta, afka, hunguri wadeenka, caloosha, beerka, xameetida, xiidmaha, kaadi heysta, qabsinada, ilmo galeenka iyo meelo kale oo fara badan.” ayuu mar kale yiri.

Mar uu soo hadal qaaday cudurrada taranka ee sigaar cabistu ay keento ayuu sheegay inuu sababo dhalmo la’aanta ragga iyo dumarka ah isagoo caawiya ayuu yiri cudurrada Gastritiska loo yaqaan.

“Haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay afartanka sano wuxuu u keeni karaa inay si sahlan ku jabaan, waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno raganimada oo daciifta, haweenka uurka lehna wuxuu ku sababaa inay ilmaha dhiciyaan ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neef qabad leh, kuwaasoo u horseedi kara dhimasho kedis ah” ayuu Dufle yiri.

Mar uu ka hadlay xaaladda sigaar cabista ee dalkeena ayaa Prof. Cismaan Maxamuud Dufle wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed oo 20-kii sano ee u dambeysay ay saameeyeen burburka dagaallada ay kusii korodhayaan dadka sigaarka caba, isagoo tusaale u soo qaatay dhallinyarada da’da yar.

Dalalka horey u maray ayuu sheegay in cabista sigaarku ay hoos u dhacday 10% kaddib baraarujin iyo wacyi-gelin badan oo la sameeyey isagoo xusay in hal-ku-dhegga joojinta sigaarka ee sannadkan ee hay’ada WHO uu yahay: JOOJI XAYEYSIINTA, SUUQ GEYNTA, HORUMARINTA IYO MAAL-GELINTA SIGAARKA.

Guddoomiyaha jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo siaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in adduunka oo dhan dagaalan kula jiro sigaarka iyo tubaakada oo uu sheegay in maalin walba ay soo baxaan cudurro aan horey lo ageyn oo ay sababto tobaakada, isagoo sheegay inay maamulka, macallimiita iyo ardayda jaamacadda ay go’aansadeen inay munaasabaddan awgeed bulshada ku baraarujiyaan khatartiisa caafimaad, iyagoo uga faa’iideynaya aqoontooda.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha mu’asasadda jaamacada Banaadir, C/risaaq Macalin, Dr. Xasan Cali Warsame, madaxa hay’adda WHO ee Muqdisho Maxamed C/llaahi iyo xubno kale oo dhammaatood ka hadlay saameynta uu ku yeelanayo sigaarka bulshada, waxaa kaloo dadkii hadlay ka mid ahayd gabar ka mid ah ardayda jaamacada Banaadir oo lagu magacaabo, Sacdiyo C/kariin ay munaasabada ku soo bandhigtay suugaan khiiro lahayd oo ka tarjumaysay dhibaatooyika sigaarka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya