4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Ganacsatada Suuqa qudradda & hilibka Magaalada Hargeysa oo weydiistay Xukuumadda in loo dhiso Goobo Ganacsi (SAWIRRO)


Jimco, May 31, 2013 (HOL) —  Suuqa wadhata ee lagu iibiyo khudaarta iyo Hilibka magaaladda Hargeysa, ayaa xukuumadda ka codsaday in loo sameeyo goobo ay ku ganacsadaan oo ku haboon,isla markaana cashuurta laga qaado loogu hagaajiyo nadaafadda iyo daryeelka.

Dadkan ka ganacsatada suuqa waaheen ee badhtamaha magaaladda Hargeysa gaar ahaan hilibleyda iyo khudaarta oo aan booqday, ayaan haysan goobihii ku haboonaa ee ay wax ku iibsan lahaayeen, isla markaana cuntadda ay iibiyaan nadiif u noqon lahaayeen.

“Ma haysano meeshii ku haboonaa ee aanu wax ku iibsan lahayn, dawladaana ka sugaynaa inay noo dhisto meel ku haboon cuntooyinka si nadaafadda iyo saxadu u wanaagsanaato”ayey tidhi Faadumo cumar oo ka tirsan hiliblayda suuqaasi oo sheegtay inay degan yihiin goobo aan loogu talogalin in wax lagu iibiyo.

Ganacsatadan hilibka ayaa sheegay inay iyagu ilaashadaan nadaafada iyo daryeelka goobaha ay wax ku iibiyaan, haseyeeshee ay maqantahay kaalintii dawladda, maadaama oo cashuur badan laga qaado “maalintii miskaasi yar waxa la naga qaadaa konton kun, halka dadka qaarna boqol kun laga qaado, waxa kale oo aanu nadaafada iyo ilaalinta miisaska ku bixinaaa laba kun maalintii, kun waxaanu siinaa ka miiska hagaajinaya kuna waxaanu siinaa kartoomo aanu hilibka saarano maadaama oo kartoonku maalin kaliya uun la isticmaali karo”ayey hadalkeeddii raacisay.

Sidoo kale, haweenay ku hadlaysay guddida hilibleyaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in daryeelkooda iyo sidii nadaafadda loo ilaalin lahayd, inkastoo ay xustay inay isku dayaan inay iyagu ilaaliyaan nadaafada “Horta hilibka marka la anaga iibsado waa la kariyaa, cid wax ku noqotaana ma jirto, waadigan arkaya in marada aanu dusha ka saarno, bahashan (shay ag yaallay) waxaan kaga ilaaliyaa duqsiga iyo siigadda, habeenkii marka aanu ka rawaxnana waxa ilaaliya niman aanu lacag ku siinno”.

Haseyeeshee dadka ka ganacsatada hilibka ayaa si weyn uga cawday dawlada hoose, waxaanay sheegeen inay dawlada hoose lacag uun ka qaado, balse aanay isku dayin inay daryeesho cuntadooda iyo nadaafadda, waxaanay soo jeediyeen inay baahi weyn u qabaan in loo dhiso goobihii ku habeenaa ee ay ku ganacsan lahaayeen, maadaaama oo wadooyin dhexdii ay ka ganacsadaan.

Dhinaca kale, dadka ganacsatada khudaarta ayaa dawlada hoose ka codsaday in laga buufiyo suuqa si nadaafada iyo caafimaadka bulshadda u hagaagta, waxaanay xuseen in barigii hore bishiiba mar loo iman jiray, haseyeeshee muddo dheer aanay arag wax buufin ah oo lagu sameeyey goobahan ay ka ganacsanayaan.

 “Hooyo waadigaa arkaya in aanu maydhnay khudaarta, waxaanu ilaalinaa nadaafada cuntada aanu iibinayno, inta badana khudaarta u baahan in la maydho waanu baydhnaa”ayey hooyo kale oo khudaar iibinaysay noogu jawaabtay, iyado na tustay khudaartii oo ay biyo ku jiraan.

Inkastoo dadka khudaarta iibiyaa ka nadaafad fiican yihiin dadka iibiya hilibka, hadana waxa loo baahan yahay in wax lala qabto sidii deegaanka nadaafadiisa loo daryeeli lahaa, waxaana indhahayaga ku soo aragnay duqsi faro badan oo dul fadhiya hilib qoyan oo dadka laga iibinayo taas oo waxyeeli karta caafimaadka dadweynaha isticmaalaya.

Dr:Fu’aad Cabdisalaan wuxuu ka tirsan madaxda wasaarada caafimaadka gaar ahaan waaxda caafimaadka dadweynaha, waxaana wax ka waydiinay dhibaatada ka dhalan karta khudaarta iyo hilibka cayayaanku dul fadhiyaan ee dadka laga iibiyo.

“Hilibka iyo khudaarta aan nadaafadiisa la ilaalin wax ka dhasha cuduro badan, waxaana loo baahan yahay sidiii looga shaqayn lahaa nadaafdaa cuntada la iibiyo, sidii looga ilaalin lahaa duqsiga iyo cayayaanka kale ku ururo cuntooyinka aan daboolayn taas oo khalis caafimaad dhalinkarta”ayuu yidhi Fu’aad Cabdisalan oo ka hadlayey khadaarta caafimaad ee ay leedahay cuntooyinka aan nadaafadiisa la dhawrin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka lagu wacyigaliyo in cuntooyinka la basriyo, isla markaana laga ilaaliyo waxyaalaha khadarta ku keeni kara caafimaadka dadweynaha, maadaama oo wakhtiyadda gu’ga uu shuban ka dhalan karo halisgalin karo caruurta.

Waxa kale oo aanu arintan wax ka waydiinay madaxa waaxda fayo dhawrka ee gobolka Maroodi Jeex Maxamed Faarax, waxaanu sheegay inuu ogyahay khatarta caafimaad daro ee ka dhalin karta, balse loo baahan yahay xeerkii lagu ciqaabi lahaa qofkii ku kaca nadaafada daro, waxaanu xeerkaasi isaga riixay baarlamaanka oo uu xusay in aanay samayn xeerkaasi.

“Horta waxa loo baahan yahay qofkii ku dhaqmi waayaa fayo dhawrka cuntooyinka wixii lagu xukumi lahaa, illaa hada ma jiro wax lagu xukumaa qofka ka hor yimaadaa fayo dhawrka, waxaana anaga na hor taagan waa xeer la’aan, marka golaha baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay xeerarkii dadka kala hagi lahaa sameeyaan”ayuu yidhi Maxamed Faarax madaxa fayo dhawrka ee gobolka Hargeysa.

Hootaladda Cuntadda iyo xaafadaha ayaa iyaguna sheegay inay ilaalinayaan cuntooyinkooda, isla markaana ay weelka wax lagu ridyo iyo goobaha wax lagu karinayaba ay nadiifiyaan.

Si kastaba ha ahaatee,  goobaha hilibka lagu iibiyo iyo hudheeladda ayaa loo baahan yahay in laga wacyigeliyo sida ugu haboon ee cuntooyinka loo ilaalin lahaaa nadaafadoodda, waxaanay waaxda caafimaadka ee wasaaradda ay sheegeen inay in badan ka hadleen sidii nadaafada cuntooyinka loo ilaalin lahaa balse ilaa hadda aanay fariintoodaasi fulin sabab halka xeerarka ah.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland