3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Jabaan oo shaaciyay in Dalkiisu uu si toos ah u Caaawin doono Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe ayaa ka sheegay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Yokohama ee dalkaas in dalkiisu uu si toos ah u caawin doono wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya, uuna ka qaybqaadanayo sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaad ah.

Kulankan oo ahaa mid gaar ah oo maanta oo Jimco ah loo qabtay Somalia, kaasoo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee dhinaca gargaarka, iyadoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Jabuuti, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya oo dhammaantood ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Mr. Abe wuxuu sheegay in dalkiisu uu diiradda saarayo sidii uu Soomaaliya uga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin: xaaladaha dhaqaale ee bulshada, dib u habeynta sharciga iyo kala-dambeynta iyo arrimo kale.

“Deggenaasha Soomaaliya waa mid muhiim u ah deggenaasho iyo horumar ay ku talaabsadaan dalalka Bariga Afrika oo dhan. Sida xal u helidda burcad-badeedda iyo xaqiijinta ammaanka guud ee gobolka,” ayuu Abe u sheegay kasoo wufuuddii kulankaas ka qaybgalaysay.

Shirkan oo ahaa loogu talogalay inuu socdo maanta oo Keliya ayaa wuxuu barbar-socday shir maalinta berri ah uga furmaya madaxda Afrika oo dhan dalka Japan, kaasoo looga hadlayo horumarinta qaaradda.

Ra’iisul wasaaraha Japan wuxuu sheegay in dowladdiisu ay horay ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku caawinayso dhaqaale gaaraya 55.4 milyan oo doollar, taasoo lasii marsiin doono hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka. Isagoo xusay in dalkiisu uu go’aansaday wixii hadda ka dambeeya inuu si toos ah u caawiyo Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Japan wuxuu shirk ka sheegay in dalkiisu uu ka caawinayo Soomaaliya sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluumeysiga iyo shaqooyin kale oo ganacsi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo go’aanka dowladda Japan ay ku doonayso in ay kusoo noolayso xiriirkii kala dhexeeyay Soomaaliya iyo shirka looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee dalkeeda ay ku qabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgeli doona berri shir looga hadlayo horumarinta Afrika, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka qaybgala shirkaas muddo ka badan 22-sano.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/31/2013 9:25 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xarunta jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta joojinta sigaarka iyo tubaakada oo 31-ka May oo sanad walba caalamka oo dhan laga xuso.

5/31/2013 9:17 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Suuqa wadhata ee lagu iibiyo khudaarta iyo Hilibka magaaladda Hargeysa, ayaa xukuumadda ka codsaday in loo sameeyo goobo ay ku ganacsadaan oo ku haboon,isla markaana cashuurta laga qaado loogu hagaajiyo nadaafadda iyo daryeelka.

5/31/2013 8:00 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kala saxeexday heshiish lagu xoojinayo amniga Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana qalab iyo dhismayaal cusub loogu deeqi lahaa ciidanka.

5/31/2013 7:23 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, kulankan oo ka dhacay magaalada Yokohama iyagoo ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dal.

5/31/2013 1:24 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Greenfields ee Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ku toogtay shalay oo Khamiis ahayd ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad oo toddobaadkan lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

5/31/2013 12:52 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo horumarinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Yokohama ee dalka Japan, kaasoo ay shir guddoomin doonan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.