3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadda Jabbaan oo Heshiis ku Gaaray Xoojinta Xiriirka u Dhexeeya Labada Dal (SAWIRRO)


Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, kulankan oo ka dhacay magaalada Yokohama iyagoo ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dal.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu kaga qaybgalayo Yokohama shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo dhici doona maanta oo Jimco ah. Isagoo sidoo kale ka qaybgeli doona shirkii shanaad ee looga hadlayo horumarinta dalalka Afrika oo dhacaya 01-da Juun illaa 03-da Juun 2013.

“Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Japan doorkiisa hoggaamineed ee uu shirka Soomaaliya ugu qabanayo dalkiisa iyo sida aan kala go’a lahayn ee dowladda Japan u saacido shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, waxaa  la sheegay in labada mas’uul ay kawada hadleen xiriirka labada dal, horumarka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto kaalmada dhanka horumarinta, xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya oo uu sheegay inay muhiim tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay sida deg-degga ah ee loogu baahan yahay in hay’adihii dowliga ahaa la horumariyo, waxuuna yiri: “Waxaan sameynay horumar dhanka amniga iyo siyaasadda ah, balse weli caqabado fara badan baa sii jira. Bacdamaa ay dadkeennu u gudbayaan marxalad kasoo kabasho iyo horumar leh. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin in xirfadahooda shaqo la dhiso, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo sidoo kale adeegyada waxbarashada. Waxaan codsanayaa kaalmada Japan inay dhankaan ku wajahdo iyo kaalmo ku wajahan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, dekedaha, garoonadda diyaaradaha, Kanaallada biyaha iyo kaalmo dhanka amniga ah.”

Madaxweynaha Soomaaliya waxuu hadalkiisa ku daray: “Soomaaliya waxay maanta galeysaa waji cusub oo u baahan in beesha caalamku ay u wajahaan si cusub oo lagu caawinayo kordhinta tayada shaqaalaha oo u ah laf-dhabar kasoo kabashada iyo horumarka aan hiigsaneyno. Waxaa jirta rajo weyn oo dib loogu dhisayo dalka, laakiin Soomaalida kaligeed ma sameyn karto.”

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyey ra’iisul wasaare, Shinzo Abe sida uu dib ugu soo nooleeyay xiriirka labada dal kaddib 22-sano iyo kaalmada horumarineed ee ay Japan siinayso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Japan ayaa maanta shir-guddoomin doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay ka qeyb-gali doonaan shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD V) oo ka dhacaya Yokohama horraanta bisha soo socota ee Juun.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/31/2013 9:25 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xarunta jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta joojinta sigaarka iyo tubaakada oo 31-ka May oo sanad walba caalamka oo dhan laga xuso.

5/31/2013 9:17 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Suuqa wadhata ee lagu iibiyo khudaarta iyo Hilibka magaaladda Hargeysa, ayaa xukuumadda ka codsaday in loo sameeyo goobo ay ku ganacsadaan oo ku haboon,isla markaana cashuurta laga qaado loogu hagaajiyo nadaafadda iyo daryeelka.

5/31/2013 8:36 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe ayaa ka sheegay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Yokohama ee dalkaas in dalkiisu uu si toos ah u caawin doono wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya, uuna ka qaybqaadanayo sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaad ah.

5/31/2013 8:00 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kala saxeexday heshiish lagu xoojinayo amniga Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana qalab iyo dhismayaal cusub loogu deeqi lahaa ciidanka.

5/31/2013 1:24 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Greenfields ee Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ku toogtay shalay oo Khamiis ahayd ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad oo toddobaadkan lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

5/31/2013 12:52 AM EST
Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo horumarinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Yokohama ee dalka Japan, kaasoo ay shir guddoomin doonan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.