4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika iyo dukaamo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahayeen oo la gubay

Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Greenfields ee Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ku toogtay shalay oo Khamiis ahayd ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad oo toddobaadkan lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

Afhyeenka booliiska magaalada Port Elizabeth, Cap. Stanley Jarvis ayaa sheegay in ganacsadahan laga toogtay madaxa, laabta iyo caloosha uuna ku dhintay halkii lagu toogtay, kooxihii dilkiisa geystayna ay ka baxadeen goobta.

Ma jirto cid loo xiray dilka ganacsadahan Soomaaliyeed, balse sarkaalkan u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas geystay.

Dhanka kale, waxaa la gubay dukaanno lana bililiqeystay dukaanno ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalla deegaanka Booysen Park oo ku taalla duleedka magaalada Port Elizabeth.

Booliiska magaaladaas ayaa sheegay in falkan ay sameeyeen kooxo burcad ah, taasina ay keentay in ganacsatadii Soomaaliyeed ee deegaanaas ku noolaa ay isaga cararaan halkaas si ay naftooda u badbaadiyaan.

“Dhammaan ganacsatadii Soomaaliyeed ee dukaamada ku lahaa deegankaas way isaga carareen halkaas,” sidaa waxaa yiri afhayeenka booliiska, Stanley Jarvis oo la hadlay shabakadda News24. “Booliiska waxay isku dayayaan in xiisadda ay dejiyaan, balse rabshado ayaa weli socda.”

Gubitaanka dukaamadan ayaa waxaa sababay rabshado ka dhacay deegaanka ay ku yaallaan kuwaasoo dhexmaray Soomaalida iyo dadka madow ee deegaannadaas deggen.

Ugu dambeyn, afhayeenka booliisku wuxuu sheegay inay u xireen falalkan lagu gubay dukaamada Soomaalida 11-qof, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dambiilayaasha ugu caansan magaaladaas iyo hareeraheeda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah kuwaas oo intooda badan ku haysta ganacsiyo, waxayna kala kulmaan dadka ku nool deegaannada ay ganacsiyada ku haystaan dil iyo dhan joogto ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan,com
Muqdisho, Soomaaliya