3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo caawa Jowhar ku Toogtay Guddoomiyihii Xaafadda Hanti-wafaag ee Degmadaas

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe guddoomiyihii xaafadda Hanti-wadaag ee degmadaas, Xuseen Cabdullaahi Cumar (Jicib).

Dilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow suuqa xaafadda Hanti-wadaag oo uu guddoomiye ka ahaa, waxaana kooxaha dilkan geystay la sheegay inay ka baxsadeen goobta markii ay dilka geysteen.

“Saddex ruux oo bastoolado wata ayaa dilka geystay salaaddii maqrib kaddib, way baxsadeen mana jirto cid garanaysa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo saxaafadda la hadlay dilka kaddib.

Ciidamada dowladda oo goobta gaara ayaa baaritaanno sameeyay, laakiin lama sheegin cid ay u soo qabteen dilka mas’uulkan oo noqonaya mas'uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo la dilo.

“Xuseen Jicib wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii degmada, dhawaan ayaana xilkaan loo magacaabay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Jowhar oo sheegay in la xiray dhammaan goobihii ganacsiga, markii ay halkas soo buuxiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Goobjoogayaal kale oo la hadlay HOL ayaa sheegay in xaaladda degmadu ay caawa tahay mid aad u kacdsan, iyadoo dadka ku nool afarta xaafadood ee ay ka kooban degmadaasna ay ku sugan yihiin guryahooda.

Degmada Jowhar ayaa waxaa caawa gaaf-wareegaya ciidammo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo maamulka degmada uusan si rasmi ah uga hadlin dilka, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay.

Xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ee Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/30/2013 2:38 PM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen maanta Muqdisho, uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka.

5/30/2013 2:37 PM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, salaadiin ka socday Uganda, waxaana xalfadda soo dhaweynta wafdiga ay ka dhacday hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.

5/30/2013 11:12 AM EST
Khamiis, May 30, 2013Waxaa kasoo reeyneeysa xaaladda caafimaad ee wariye C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) kaasoo kooxo hubeeysan ay xalay dhaawac ugu geeysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

5/30/2013 8:32 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Ruux looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab ayaa ku dhintay miino uu ku aasayay degmada Gaarisa oo la qaraxday xalay, sidaa waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya.

5/30/2013 8:12 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar kedis ku qaaday fariisan ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, waana degmada keliya ee ciidamada dowaldda ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

5/30/2013 7:45 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) - Shir labo maalmood soconayay oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee loo qabto maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

5/30/2013 7:41 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay ka hir-gelisay goobihii Al-shabaab laga saaaray xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, kuwaasoo isugu jira siddeed xarumood iyo saddex isbitaal oo waaweyn.

5/30/2013 2:50 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Muwaadiniinta u dhashay dalka ee wata baasaboorka dalka Kanada ayaa laga qaaday xayiraaddii dhinaca fiisaha ahaa ee ay horay ugu soo rogtay dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib heshiis dhexmaray labada dal.

5/30/2013 2:38 AM EST
Khamiis, May 30, 2013- Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dab khasaare geestay habeen hore ka kacay suuqa weyn ee degmada BeledXaawo, gobalka Gedo. Dabka waxa uu ka kacay goob shiidaalka lagu koombeeyo islamarkiina uu sameeyay suuqa-bacadlaha iyadoo dhamaan suuqaasi inta badan uu basbeelay.

5/30/2013 2:33 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in diyaarad kuwa wax basaasa ah oo aan duuliye lahayn ay kaga dhacday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahana deegaan ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

5/30/2013 1:59 AM EST
Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay HOL ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn.