4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Booliiska Degmada Gaarisa oo sheegay in ruux miino aasayay uu ku dhintay kaddib markii ay ku Qaraxday Miinadii uu Aasayay


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Ruux looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab ayaa ku dhintay miino uu ku aasayay degmada Gaarisa oo la qaraxday xalay, sidaa waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya.

Saraakiishu waxay sheegeen in ruuxan uu xalay doonayay inuu miino geliyo meel ku dhow isbitaalka guud ee Gaarisa, qaraxuna uu dhacay xalay fiidkii abbaare 9:00 fiidnimo.

“Qarax weyn ayaan xalay maqalnay, balse ma jirin ruux si dhab u sheegi kara sida ay wax u dhaceen, markii uu waagu baryay, waxaa la helay jirka ruuxa ay miinadu la qaraxday oo cad-cad u goo’goay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska degmada Gaarisa.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu hadalkiisa ku daray sheegay inay filayaan in ruuxan ay miinadu la qaraxday markii uu goobta gelinayay, waana uu kala googo’ay.

Arrintan ayaa kusoo beegmay kaddib maalmo markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ay ku qaadeen deegaanno ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen shan qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya.

“Weeraryahannadu waxay weerarka soo qaadeen abbaare 5:30 aroornimo, waxayna dileen laba ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya iyo saddex qof oo shacab ah, kuwaasoo uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa hay’adda bisha cas ee dalka Kenya,” ayuu yiri David Kimaiyo oo ah baarse sare oo ka tirsan booliiska Kenya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in weli ay la’yihiin laba ka tirsan ciidamada Kenya oo loo maleynayo in nolosha lagu watay, hal sarkaal oo dhaawac ahna laga helay xero booliis oo la weeraray.

Al-shabaab ayaa waxay weerarro ka geysanaysay gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay Kenya go’aansatay in ciidammo ka tirsan milateriga dalkeeda ay u dirto Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya