4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Shirweynihii Maal-gashiga Somalia oo Lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya (SAWIRRO)
M1420049.jpg
Sanjeev Gandhia oo madax ka ah shirkadda Astral Aviation iyo Xanaan Ibraahim Madaxweynaha Hanvard Afrika


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) - Shir labo maalmood soconayay oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee loo qabto maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan maamulada ka jira Soomaaliya ayaa waxaa lagu lafaguray sida ugu haboon ee Soomaaliya maalgashi caalami ah loogu samaysan karo, kadib markii uu dalku kasoo baxay 22 sano oo dagaal sokeeeye iyo xasilooni darro ay ka jirtay.

Xanaan Ibraahim oo ah madaxweynaha hay'adda Hanvard qaybteeda qaarada Afrika oo uu ururkeedu oo soo qabanqaabiyay shirka maalgashiga Soomaaliya oo la hadashay Hiiraan Online ayaa sheegtay in ujeedkii shirkan la gaaray, isla markaana laga faa'iiday isdhexgal ballaaran oo dhexmaray shirkadaha ajnabiga, kuwa Soomaaliya iyo dawlada Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka ka jira kuwaasoo dhammaantood ballanqaaday inay haatan bilaabi doonaan in la isu diyaariyo maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo Soomaaliya.

Eng. C/wali Sheekh Cali oo madax ka ah shirkada dhismayaasha ee la yiraahdo DHISMO oo isagu kamid ahaa shirkadihii ka yimid Soomaaliya oo lagu casuumay shirkan ayaa sheegay inay ka faa'iideen kulankii Nairobi isbarasho iyo xiriir wanaagsan oo dhex mara maalgashadayaasha Soomaalida ah iyo kuwa ajaanibta ah ee doonaya inay Soomaaliya ka bilaabaan ganacsiyo cusub.
M1420070.jpg
viewer.gif


Madaxa shirkadda Liberty Shipping oo iyadu ah shirkad ay wada leeyihiin Soomaali iyo ajnabi oo kamid ahayd shirkadihii bandhigyada ka sameeyay goobtaasi ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo lagu tartamayo sidii loogu kala hormari lahaa maalgashiga Soomaaliya, shirkadiisuna ay haatan bilaabayso inay si toos uga hawlgasho caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Sanjeev Gandhia oo madax ka ah shirkadda Astral Aviation oo ah shirkad caalami ah, ayaa sheegay in fursada maalgashi ee Soomaaliya ka iftiintay ay noqon doonto mid ay ka fa'iidaystaan, isagoo sheegay in shirkadiisu ay horay ka bilaabi doonto maalgashi degdeg ah oo ay ku samaysato Soomaaliya.

"Waxaan ugu baaqayaa shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba inay horay ka bilaabaan maalgashigooda, shirkada Astral Aviation hormuud ayay  ka noqon doontaa mustaqbalka maalgashiga Soomaaliya" ayuu yiri isagoo la hadlay Hiiraan Online.

Qabanqaabiyayaasha shirka ayaa ku boorriyay intii shirku uu socday inaan laga hadlin wax ku saabsan siyaasadda maadaama ujeedkoodu uu yahay in dhammaan Soomaaliya oo dhan lada hirgaliyo maalgashi caalami ah, halkaasoo meelaha qaar ay gacanta ku hayaan maamullo iska soo horjeeda.

Aamina Dable oo xubin ka ah Rugta ganacsiga ee Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeedisay goobtaas ayaa Soomaaliya ku tilmaantay inay tahay waddan ay dadkiisu ku wanaagsanyihiin maalgashiga iyo ganacsiga iyadoo ammaan u soo jeedisay rugta ganacsiga ee Kenya kuna tilmaantay labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya inay yihiin mid, ayna u wada dhaqaaqi doonaan dhanka horumarka.

 Waxaana shirka intii uu socday kasoo qaybgalay marka laga soo tago ganacsatada iyo shirkadaha kala duwan, diblamaasiyiin ka socday wadamada reer galbeedka gaar ahaanna, Ingiriiska, Maraykanka iyo Talyaaniga oo dhammaantood sheegay inay kaalin muuqata ka ciyaari doonaan maalgashiga Soomaaliya iyo taageerada dawlada Federaalka ee dalka ka talisa.

Shirkan ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo si gaar ah loogu lafaguro maalgashiga Soomaaliya walow horay ay u jireen shirar kala duwan oo loo qabtay dib u dhiska guud ee dalka Soomaaliya.

M1420017.jpg
M1420019.jpg
M1420021.jpg
M1420034.jpg
M1420042.jpg
M1420045.jpg
M1420074.jpg
M1420075.jpg
M1420084.jpg
M1420079.jpg
M1420011.jpg
M1420004.jpg
M1420028.jpg

Axmed C.samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya