Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay in reer Hiiraan ay kala laabteen Kalsoonida Dowladda Federaalka Somalia


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay HOL ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn.

Laqanyo oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen qayb yar oo aan matelin beesha Xawaadle, isagoo intaas ku daray in tani ay tahay mid lagu carqaladeynayo horumarka uu gobolku gaaray.

“Intii aan maamulka hayay gobolku horumar ayuu ku tallaabsatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo ganacsiga oo soo laabanaya, mana ahan in waqtigan uu gobolku dib ugu laabto dhibaatadii uu soo maray,” ayuu ku yiri Laqanyo wareysiga uu siiyay HOL.

Mar HOL ay weydiisay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sababaha keenay in dadkaas ay caroodaan oo shir Baladweyne ku qabtaan ayuu kaga jawaabay: “Dadkaas waxay ka caroodeen lab xubnood oo uu soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, waanan iska aragnay magacaabista, waana isku af-garaneynay arrintaas.”

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxu sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha uu u soo magacabayo gobolka sagaal xubnood oo kale, isagoo xusay in wasiirka uusan gobolkan u soo magacaabayn wax uusan kala tashan maamulka.

“Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan loosoo magacaabay waa kuwo maamulka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay iska arkeen oo isla og-yihiin, balse ma jiraan wax uu isagu dibadda uga keenayo gobolka,” ayuu Laqanyo hadalkiisa ku daray.

Go’aankii kasoo baxay shirkii shalay ayaa wuxuu aad uga careysiiyay jaaliyadaha reer Hiiraan ee caalamka ku firirsan, gaar ahaan jaaliyadda ku sugan Waqooyiga Ameerka, kuwaasoo taageero xooggan u muujiyay dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku sheegay dadka shirarka qabanaya kuwo tiro yar oo aan metelin reer Hiiraan oo dhan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in shacabku ay ku soo doortaan maamulkooda, sidoo kalena ay qorsheynayaa n in Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa shalay ka dhacay shir lagu shaaciyay in beesha Xawaadle ay kalsoonida kala laabatay dowladda Soomaaliiya, iyagoo diidanaa xubno uu wasiirka arrimaha guduhu u magacaabay gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe guddoomiyihii xaafadda Hanti-wadaag ee degmadaas, Xuseen Cabdullaahi Cumar (Jicib).

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen maanta Muqdisho, uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, salaadiin ka socday Uganda, waxaana xalfadda soo dhaweynta wafdiga ay ka dhacday hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Khamiis, May 30, 2013Waxaa kasoo reeyneeysa xaaladda caafimaad ee wariye C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) kaasoo kooxo hubeeysan ay xalay dhaawac ugu geeysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Ruux looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab ayaa ku dhintay miino uu ku aasayay degmada Gaarisa oo la qaraxday xalay, sidaa waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar kedis ku qaaday fariisan ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, waana degmada keliya ee ciidamada dowaldda ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) - Shir labo maalmood soconayay oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee loo qabto maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay ka hir-gelisay goobihii Al-shabaab laga saaaray xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, kuwaasoo isugu jira siddeed xarumood iyo saddex isbitaal oo waaweyn.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Muwaadiniinta u dhashay dalka ee wata baasaboorka dalka Kanada ayaa laga qaaday xayiraaddii dhinaca fiisaha ahaa ee ay horay ugu soo rogtay dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib heshiis dhexmaray labada dal.

Khamiis, May 30, 2013- Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dab khasaare geestay habeen hore ka kacay suuqa weyn ee degmada BeledXaawo, gobalka Gedo. Dabka waxa uu ka kacay goob shiidaalka lagu koombeeyo islamarkiina uu sameeyay suuqa-bacadlaha iyadoo dhamaan suuqaasi inta badan uu basbeelay.

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in diyaarad kuwa wax basaasa ah oo aan duuliye lahayn ay kaga dhacday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahana deegaan ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Somali News

5/30/2013 12:33 PM EST
Port Elizabeth - A Somali man was stabbed to death in Greenfields, Port Elizabeth, on Thursday, the third murder in the area this week, Eastern Cape police said.

5/30/2013 12:27 PM EST
Cape Town - All the Somali-owned shops in Port Elizabeth’s Booysen Park have been burned or looted and owners have evacuated the area, police say.

5/30/2013 9:08 AM EST
Gunmen shot and seriously wounded a Somali journalist in the volatile southern port city of Kismayo, officials and colleagues said on Thursday, the latest in a string of attacks against the media.

5/30/2013 9:07 AM EST
After decades of war, Somalia is taking small steps toward recovery, but breakaway regions, rival clans and the competing interests of neighbouring nations are threatening its fragile progress, analysts warn.

5/30/2013 9:06 AM EST
A Kenyan High Court has ordered police to reinvestigate complaints of rape by 11 girls in a landmark case brought by a children’s charity on behalf of more than 240 victims of child rape, some of them as young as three years old.

5/30/2013 9:00 AM EST
With crises unfolding in Syria and the Democratic Republic of Congo, and ongoing violence in Somalia, Sudan and Colombia, 2012 saw record-high numbers of people displaced within the borders of their own countries. Half of those displaced are women.

5/30/2013 8:58 AM EST
Leaders from Garissa county have accused the government of laxity despite being warned in advance of Saturday's attack in Damajaley location.

5/30/2013 8:47 AM EST
The European Union has given the March 4th election a clean bill of health saying the independent electoral and boundaries commission maintained integrity during the election process.

5/30/2013 8:41 AM EST
Bashir Osman moves hurriedly along a white sandy beachfront, giving instructions to a driver operating a bulldozer. Near them, a large truck is ferrying away piles of rocks, clearing a sun-soaked beach lapped by the azure blue waters of the Indian Ocean.

5/30/2013 6:21 AM EST
A terror suspect was killed in Garissa on Wednesday night when an improvised bomb he was assembling went off, police have said.

5/30/2013 6:13 AM EST
The International Federation of Journalists (IFJ) has today hailed the outcome of a Regional Conference on Peace and Safety for Somali Media, held in Addis Ababa, Ethiopia.

5/30/2013 5:57 AM EST
Uhuru Kenyatta was inaugurated as Kenya’s president on April 9, after winning 50.07 percent of the vote to defeat Raila Odinga. He ran as the leader of the National Alliance party, launched in May 2012, trying to cultivate an image as a reformer and “visionary” Pan-Africanist leader.

5/30/2013 5:55 AM EST
Human Rights Watch (HRW) has termed the Urban Refugee Relocation Plan as unlawful citing real risk of further violence and abuses against refugees.

5/30/2013 1:57 AM EST
SeaTac, Wash. - The SeaTac City Council voted at its last meeting to appoint seven members and two alternates to serve on the newly formed Community Building Committee. The committee will serve in an advisory capacity to the SeaTac City Council, and is charged with:
Click here