4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay kaddib safar uu ku tagay dalka Turkiga (SAWIRRO)


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kaddib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Turkiga, isagoo lasoo kulmay mas’uuliyiinta Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.

Prof. Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasoo uu hoggaaminayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeeylaani Nuur Iikar.

 “Waxaan rabaa inaan ugu horreyn ku billaabo hadalkayga hambalyo aan u dirayo saxafiyiinta Soomaaliyeed oo xaqiiqdii u dhabar-adeygay adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku boorrinayaa inay xaqiiqada ka hadlan oo ay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda. Dhammaan wariyeyasahii lagu dilay dalka ayaan tacsi u dirayaa; waayo qaarkood waxaa la toogtay iyagoo howlahooda shaqo ku jira,” ayuu Prof. Jawaari ku sheegay shirka jaraa’id ee uu qabtay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa faah-faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee isaga iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in safarka uu ahaa mid ku yimid casuumaad rasmi oo uu ka helay dhiggiisa Turkiga.

“Waxaan la kulmay intii aan Turkiga ku sugnaa guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga, madaxweynaha, ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Baker Bozdag iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaas, dhammaan waxyaabihii aan kawada hadalnayna waan isku afgaranay,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Ugu dambeyb, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in dhawaan ay si rasmi ah u billaabi doonaan wada-shaqeyn dhexmaraysa labada baarlamaan iyadoo guddiyo kala duwan oo labada dhinac ah ay si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya