4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
AMISOM oo sheegtay inay Fashilisay Qorshayaal ay Al-shabaab ku Weerari lahayd Magaalo Xeebeeddda Kismaayo

Jimco, May 03, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay fashilisay weerarro ay Al-shabaab doonaysay inay ka fuliso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo sanadkii hore laga qabsaday Al-shabaab iyadoo aysan ka dhicin wax dagaallo ah.

Warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay diyaarisay laba qorshe oo ay doonaysay inay ku carqaladeyso Kismaayo, iyaguna ay ka warheleen ayna ka hortageen, iyadoo qorshayaashaas ku sheegtay inuu ka mid ahaa mid miinooyin lagu gelinayay jaamacadda Kismaayo.

Xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa ah xarunta ay ku sugan yihiin ergooyinka ka qaybgalay shirka Kismaayo, kuwaasoo doonaya inay maamul u sameeyaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

AMISOM ayaa sheegtay in haweeney miineysan oo la qabtay ay ka shaqaale ka ahayd Jaamacada Kismaayo, iyadoo markii la baaray laga helay bam ku xiran jirkeed, kaasoo ay doonaysay inay ku qarxiso gudaha Jaamacadda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qalabkii ay haweeneydu wadatay oo ahaa waxyaalaha qarxa lagu qarxiyay meel bannaan oo ammaan ah, iyaduna ay gacanta ugu jirto ciidamada dowlada Kismaayo.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayay AMISOM ku sheegtay in la fashiliyay weerar hoobiyeyaal ah oo la doonayay in in lagu qaado garoonka Kismaayo, iyadoo AMISOM ay sheegtay inay ka hortageen markii laga warhelay.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa waxaa hambalyo u diray ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa dowladda Kismaayo.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay oo Khamiis ahayd sheegtay inay duqeymo hoobiyeyaal ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, halkasoo ay kasoo dagayeen diyaarado siday wufuud ka qaybgalaya shirka Kimaayo.

Ciidamo dalka Kenya ka socda oo qayb ka ah AMISOM ayaa waxay gacanta ku hayaan magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale magaaladaas ku sugan ciidammo ka amar-qaata maamulka Raaskambooni iyo dowadda Soomaaliya, kuwaasoo kala shaqeynaya ciidamada Midowaga Afrika sugidda ammaanka Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya