4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Ansixiyay Qorshe Dib loogu habeynayo Maamulka Maaliyadda Dalka


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyay qorshe loogu talogalay dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka, kaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya.

Wasiirradii kulanka ka qaybgalay ayaa si buuxda isugu raacay barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda ee loo yaqaan (Public Financial Management – PFM), iyadoo qorshahan loogu talogalay in lagu nidaamiyo laguna xakamaynayo maamulka dhaqaale ee dalka muddada afarta sano ah ee soo socots. Waxaana fulintiisa waxaa ku baxaysa 26 milyan oo doollar.

Qorshahan ayaa lagu hormarinayaa: miisaaniyadda qaranka taas oo ay ku lamaansan yihiin aruurinta dakhliga, horumirinta xafiiska xisaabiyaha guud, hanti-dhowrka guud iyo horumarinta wada-shaqyanta baarlaamaanka iyo hay’adaha maaliyadda.

Wasaaradda maaliyadda ayaa qorshahaan ku tilmaantay barnaamij hufan oo si cad la iskula xisaabtami doono, iyadoo laga hortagayo maamul-xumada iyo musuq-maasuqa isla markaana sare loogu qaado dakhliga soo gala dawladda.

“Qorshahan cusub waa mid aanu kusoo noolaynayno maamulka maaliyadda ee aas-aaska u ah dhaqaaleheena iyo dowladnimadeena, waana barnaamij waqtiga la socda oo lagu tayeynayo laamaha maamulka dhaqaalaha dalka," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.

Ugu dambayntii, barnaamirkaan dib-u-habaynta dhaqaaluhu wuxuu saldhig u yahay qorshaha lixda qodob ee tiirarka siyaadda dowladda ay u dajisay in ay ku shaqeyso inta ay xafiiska joogto, kaaso uu ku dhawaaqay sannadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya