4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Wafdigii Golaha Wasiirrada oo Kismaayo Gudaha u Galay Kaddib Markii Afar Maamood ay ku Xayirnaayeen Garoonka

Arbaco, May 29, 2013(HOL) :- Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee maalmihii u danbeeyay ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada, iyadoona wafdiga ay dageen Hotel Cascaseey oo ay hore ugu sugnaayeen xubno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Wafdigan oo mudo afar maalmood ah ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada, waxaana  wafdiga gelbinayay ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan iyo weliba askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo  garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdigan aysan soo geli karin magaalada, iyagoona ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in wafdi ay Kismaayo usoo dirtay iyada oo aan soo wargelin maamulka ka jira magaalada.

Wafdiga ayaa imika ku sugan Hotel Cascaseey oo ay hore ugu deganaayeen gudigii ay xukuumadda Soomaaliya usoo dirtay arimaha Jubooyinka, kuwaasoo mudooyinkii u danbeeyay waday kulamo ay la yeelanayeen odoyaasha beelaha dega Juboooyinka, saraakiisha ciidamada iyo weliba dhinacyada isku haya siyaasadda Jubooyinka.

Wafdiga ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Madaxda maamulka Kismaayo iyo weliba masuuliyiinta kale ee iyagu sheeganaya madaxtinimada Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u cadeeysay mowqifkeeda ku aadan arimaha Jubooyinka, waxaana dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegtay in aysan aqoonsanayn madaxweeyneyaasha looga dhawaaqay Jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa goor dhawayd hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka danbeeyay in isgaarsiinta la jaro.

Xaaladihii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya