4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Soomaaliya oo Mar Kale loo Doortay inay Hoggaamiso Ururka EAJA oo ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta Bariga Afrika (SAWIRRO)


Arbaco, May 29, 2013(HOL):Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu qabtay shirweynaha suxufiyiinta Bariga Afrika halkaas oo ay isugu yimaadeen 11-ka dal ee la isku yiraahdo Bariga Afrika.

Ururrada shirka ka qeyb galayay ayaa waxay matalayeen suxufyiinta dalalka kala ah Sudan, Rwanda, Burundi, Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, South Sudan, Ethiopia, Djibouti iyo Seychelles.

Shirweynaha oo ay ka qeyb galeyeen madaxsare oo ka socota ururka suxufiyiinta adduunka ee la yiraahdo IFJ ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka ururka suxufiyiinta Bariga Afrika oo loo yaqaano EAJA iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyinta Bariga Afrika. Shirka waxaa ka qeyb galay wasiirka waraafinta ee dalka Itoobiya Bereket Simon iyo madax kale oo ka socota midowga afrika iyo IGAD.

Dalka Soomaaliya waxaa kulanka uga qeyb galay wafdi ka socda ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo kala ahaa Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Axmed Maxamud Mohamed Shaam, Xoghayaha Arrimaha Shaqada iyo Cabdweli Xasan Cabdi Gooni oo ah Xiriiriyaha NUSOJ ee Puntland.


Shirweynaha ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ay ku shaqeynayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo xagdugubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyadoo lagu taageeray dadaalka ururka suxufiyiinta ee NUSOJ uu ugu jiro difaacitaanka suxuyiinta iyo saxaafadda Soomaaliya.

Gunaanadkii shirka ayaa ergada ka qeyb galaysa shirka waxaa ay isku wada raceen in Cumar faaruuq Cusmaan uu noqdo markale Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo ah urur goboleedka Bariga Afrika ee IFJ.

Muxudiin Axmed Idris Titawi oo u dhashay dalka Sudan ayaa isna loo doortay in noqdo guddoomiye halka Alexandre Niyungeko oo u dhashay dalka Burundi isna loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka suxufiyiinta bariga afrika.


Guddoomiye Ku Xigeenka IFJ Gustavo Grenaro oo u dhashay dalka Argentina ayaa shirka ka jeediyay khudbad dheer isagoo ku ammaanay Cumar Faaruuq Cusmaan iyo hoggaanka intiisa kale doorka ay ka ciyaareen horumarinta saxaafadda Soomaaliya iyo midda gobolka.

Gabriel Baglo oo ah Agaasimaha Afrika ee UFJ ayaa isna ugu hambalyeeyay madaxda EAJA doorashada ay kusoo baxeen isaga oo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan si buuxda heer dal ahaan iyo mid gobol ahaanba.