4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Dagaal u Dhexeeya Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay ka dhacay Baydhabo iyo Duleedkeeda

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmada Baydhabo iyo deegaanka Goof-guduud oo ku yaalla duleedka Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay xalay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya kaga sugnaayeen deegaankaas oo 25-KM dhinca galbeed kaga beegan Muqdisho.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn, maadaama ay isgaarsiintu tahay mid aad u xun, waxaana la sheegay in waddaaas ay tahay maanta mid xiran oo aanay gaadiidku isticmaalayn.

Deegaanka Goof-guduud ayaa waxaa saldhigyo ku leh cidiamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxayna ku taallaa jidka aada degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo ay ka taliso Al-shabaab, iyadoo deegaankaas ay horay ugu sugnaan jireen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya waxay dhawaan ka baxdey deegaannada: Goof-guduud, Awdiinle iyo garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana ciidamada Itoobiya ay ciidammo fara badan weli ka joogaan weli joogaan degmooyinka Qansax-dheere iyo Berdaale oo ka tirsan gobolka Bay.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay habeen walba weerarro ku qaadaan fariisamaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay kaga sugan yihiin gobolka Bay.

Dagaalladaas ayaa ah kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah; iyadoo habeenkii xalay magaalada Baydhabo saqdii dhexe ay Alshabaab soo weerartay goob koobtarool ah, taasoo rasaas la isweydaarsanayay aysan jirin khasaar ka dhashay.

Hiiraan Online, Baydhabo