4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Kooxo Hubeysan oo Dhowr Ruux oo hal Qoys kasoo jeeda ku dilay Deegaan ku yaalla Koonfurta fog ee Gobolka Mudug

Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay shan qof oo qoys kasoo jeeda deegaan lagu magacaabo Laba-ceel oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug, waxaana dadka la dilay ay isugu jireen aabbe, hooyo iyo caruur ay dhaleen.

Dilkan oo dhacay shalay gallinkii dambe ayaa wuxuu ahaa mid ay aad uga naxeen dadka ku nool deegaankaas, waxaana ka hadlay dilkan xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul-goboleedka Galmudug.

Xildhibaan, Maxamuud Cali Salaad ayaa sheegay in dilkaas uu ahaa mid aad u fool xun oo ay geysteen kooxo hubeysan oo baxsaday, isagoo sheegay in deegaanka uu dilku ka dhacay oo ku dhow Bacaad-weyne ay illaa sannadkii 2009 ka taagnaayeen colaado beeleed.

“Dilkan waxaa loo geystay qoys reer guuraa ah, waxaana la dilay hooyadii qoyska, aabbihii iyo saddex caruur ah oo ay dhaleen mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray,” ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlayay idaacadda VOA-da isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya inuu dhacay weerar aar-goosi ah oo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay, iyadoo xildhibaanka oo arrintaas wax laga weydiiyayna inuu sheegay inuusan arrintaan hadda xaqiijin karin.

Xaaladda deegaankii uu dilkan ka dhacay ayaa aad u kacsanayd maanta waxaana laga dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya beeshii ay kasoo jeedeen qoyska la dilay iyo beeshii ay ka dhaseen kooxihii dilkaas geystay.

Deegaankan ayaa waxaa ka taagnaa muddo sannooyin ah dagaallo salka ku haya is-qabqabsi dhul inkastoo dhowr jeer oo hore la dhex-dhigay labadan beelood heshiisyo lagu joojinayo colaadda, inkstoo ay weli colaaduhu jiraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo deegaannadaas lagu dilo dad kasoo jeeda hal qoys, iyadoo sannadkii hore ay dhacday in deegaan ku dhow deegaanka ay mashaqadan ka dhacday lagu dilay saddex qof oo isku qoys ahaa.

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya