4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baladweyne iyo Bukaannada Jiifa (SAWIRRO)


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo ay ku jiraan ama jiifaan bukaano ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo food saartay xaalad adag oo dhinaca oo la xiriirta habsami u socodka howlaha caafimaadka, kadib markii dabayaaqdii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012 ku dhawaaqday hay'adda MSF Swiss  in ay joojisay howlihii caafimaad oo ay ka waday isbitaalka.

Mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan oo booqday isbitaalka kuna soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay ayaa warbixin la xiriirta xaalada waqtigan ee isbitaalka waxaa ay ka dhageysteen maamulka iyo qaar ka mid ah shaqaallaha oo mas'uuliyiinta uga xog-waramay xaalada adag ee soo food saaray xiligan, madama aysan jirin hay'ad rasmi ah oo gacan ka siisa socod siinta adeegyada kala duwan ee uu bulshada u hayo.

Laakiin maamulka isbitaalka ayaa siweyn ugu mahad celiyay NGO-ga Wardi oo la wareegtay mas'uuliyada qeybta caruurta ee isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, oo ah halka cabashada ugu xoogan ka taagneyd marka la eego xaalada adag ee soo food saartay isbitaalka.

Madaxa NGO-ga maxaliga ah ee Wardi Xusseen Cabdi Isaaq Dhoobow ayaa sheegay in ay si toos ah ula wareegeen qeybta caruurta isbitaalka magaalada Baladweyne iyaga oo gacan ka hellaya hay'adda UNICEF, waxaana uu intaa ku darray in xooga saari doonaa sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha kala duwan ee ka jira qeybta lagu daweeyo caruurta jilicsan ee isbitalka.

Cabdi Bishaar Aadan guddoomiyaha degmada Baladweyne ayaa sheegay in isbitaalka magaalada Baladweyne yahay isbitaal marxalado kala duwan soo maray, xiliganna uu marayo waqtigii ugu adkaa, isaga oo sheegay in ay ugu baaqayaan cid kasta sidii ay gacan uga geysan laheyd socod siinta howlaha isbitaalka.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Lanqayo oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii booqatay isbitaalka ayaa uga mahad celiyay NGO-ga Wardi ee la wareegay qeybta caruurta isbitaalka, isaga oo intaa ku darray in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa sidii ay u sii socon lahaayeen howlaha isbitaalka guud ee Baladweyne.

''Annaga cid kasta oo gacan siineysa isbitaalka waan soo dhaweyneynaa, haddii ay ahaan lahaayeen hay'addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah intaba, muhiimadu waxaa ay tahay oo kaliya in bukaanada halkan jiifa [Isbitaalka] hellaan adeega ay u baahan yihiin,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobollka.

Guddoomiyaha sidoo kale waxaa uu balan-qaaday in maamulka gacan ka geysan doono kaalita uga aadan isbitaalka, isaga oo uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalla sida ay ugu taagan yihiin u adeegida bukaanada ku jira isbitaalka.

Mas'uuliyiinta iyo shaqaallaha isbitaalka ayaa markii ay ku dhawaaqday hay'adda MSF Swiss in ay joojisay adeegyadii caafimaad oo ay siin jirtay waxaa ay ballan qaadeen in ay si mudadawacnimo ah ugu adeegi doonaan bulshada iyaga oo ilaa iyo waqtigan u taagan howlaha isbitaalka.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya