4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u furay wajigii labaad ee Tallaalka Cudurka Dabeysha (SAWIRRO)


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, xubno ka tirsan hay’adaha WHO, UNICEF, OCHA iyo mas’uuliyiin la socda waaxda caafimaadka dowladda ayaa ka qayb-galay xaflad lagu daah-furayey tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha oo wajigiisii labaad maanta si rasmi ah uu u furmay Muqdisho.

Cudurka dabeysha oo laga ciribtiray Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa waxaa horraantii bishan laga soo sheegay afar xaaladood oo cusub magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey 400-qof illaa iyo hadda la xaqiijiyay in 30 ka mid ah looga shakisan yahay inay qabaan cudurkan.

Ra’iisul wasaare Saacid sheegay in tallaalkan uu leeyahay muhiimad gooni ah, loogana baahan yahay waaliddiinta inay ku baraarugaan sidii ay uga tallaali lahaayeen caruurtooda cudurkan aan dawada lahayn.

“Waxaa dhawaan Soomaaliya lagu arkay cudurka dabaysha oo sannadii 2007-dii laga dhabar-gooyey dalka, waana cudur si fudud u fidi kara, wuxuu khatar ku yahay dhammaan carruurta Soomaaliyeed, isagoo asiiba carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sano. Cudurkan wuxuu leeyahay ka hortag talaal, sannad kastana waxaa laga tallaal caruur gaaraysa laba bilyan oo ku nool caalamka oo dhan, taas waxay muujinaysaa khatarta iyo cabsida laga qabo inuu faafo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhiirri-galiyey dhammaan qoysaska Soomaaliyeed inay carruurtooda ka tallaalaan cudurkan khatarta ah, ayna geeyaan goobaha tallaalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in talaalkan ay hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya, gaara haan wasaaraddeeda horumarinta iyo addeega bulshada, iyadoo kaashanaysa hay’adda caafimaadka dunida ee (WHO).

“Maanta waxaa billowday ololaha tallaalka dabaysha oo socon doona muddo lix bilood ah, waxaan codsanaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb-qaataan sidii loo cirib-tiri lahaa, waxaana si gaar ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta uga codsanayaa inay xogta ololaha tallaalka meel walba gaarsiiyaan si guul looga gaaro ciribtirka dabaysha,” ayuu Saacid ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn. ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhibcihii ugu horreeyay ee tallaalka cudurkan afka ugu dhibciyay carruur kasoo qayb gashay xafladda lagu furayay wajiga labaad ee tallaalka dabeysha, wuxuun goobta uga mahadceliyay waaxda caafimaadka ee wasaaradda horumarinta iyo addeega bulshada, hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), UNICEF, OCHA, hay’adaha aan dowliga ahayn, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku hawlan tallaalka carruurta.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya