4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Wafdigii Xukuumadda oo maalintii sedexaad ku xayiran Garoonka Kismaayo iyo digniin loo diray Xildhibaanada Kismaayo ku sugan



Talaado, May 28, 2013(HOL) :-Waxaa maalintii sedexaad garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku xayiran wafdi ka kooban wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda Soomaaliya usoo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdigan oo uu horkacayay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka, C/laahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka garsoorka iyo cadaaladda C/laahi Abyan Nuur iyo saraakiil ciidan, waxaana wafdigu uu maalintii sedexaad ku xayiranyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoona soo gelitaankooda magaalada ay si cad u diideen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.

Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland ee uu madaxweeynaha ka yahay Sheekh Axmed Madoobe ayaa la geeyay illinka hore ee garoonka diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaan Baar Caleen, waxaana ciidamadani halkaasi loo geeyay in ay ka hortagaan in wafdiga dowladda uu gudaha usoo galo magaalada.


Ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka ayaa la sheegay in wafdiga wasiirada ay ku wargeliyeen in ay dib isaga laabtaan, iyagoona sheegay in aysan sugi karin ammaankooda, haseyeeshee wafdigan ka kooban wasiirada iyo saraakiisha ciidan ayaa ku adkeeysanaya in ay gudaha u gali doonaan magaalada.

Sidoo kale guddigii xildhibaanada ee 16-ka xubnood ka koobnaa ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubooyinka ayaa lagu wargeliyay in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada.

Saraakiil ka gaabsatay in magacooda la xigto ayaa HOL u sheegay in guddi loo saaray arimihaasi ay u tageen xildhibaanada islamarkaasina ay ku wargeliyeen in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo kamid ah xildhibaanada Kismaayo ku sugan ayaa HOL u sheegay in ay magaalada kusii sugnaan doonaan, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirin cid u diidi karta joogitaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco dagaal dhexmara taageerayaasha maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madobe iyo kuwa taabacsan dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah kusoo qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo xilli ay halkaasi ku sugnaayeen wafdigii wasiirada iyo saraakiisha ee ku xayirnaa garoonka, waxaan daryanka madaafiicda ay isweeydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay xaafado katirsan magaalada Kismaayo.

Ilaa dhowr madfac ayaa la sheegay in Al-shabaab ay kusoo tuureen garoonka, walow ay wararku sheegayaan in madaafiicdu ay ku dhacayeen dhul bannaan, waxaana ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka ay iyaguna dhankooda ridayeen hub aad u culus.

Muranka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa imanaya xilli dagaalyahannada Al-shabaab dhanka galbeed ee gobolka ay magaalada Kismaayo u jiraan qiyaastii 25 KM halka dhanka waqooyina ay jiraan wax ka yar 30 KM, iyadoona aalaaba ay weerarro ku soo qaadaan saldhigyada ciidamada AMISOM, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada  Dowladda ay ku leeyihiin daafaha magaalada.
.......
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.